Soomaalida Maraykanka Oo Ku dibad baxay Ra'iisulwasaare Kheyre.

Tuesday September 26, 2017 - 12:32:55 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Soomaalida Maraykanka Oo Ku dibad baxay Ra'iisulwasaare Kheyre.

    Ra'isalwasaaraha DF Xasan Cali Kheyre ayaa xalay waqooyiga Mareykanka kula kulmay Jalaiyadda Soomaaliyeed ee GobolkaVirginia, halkaasoo uu doonayay inuu kula hadlo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ra'isalwasaaraha DF Xasan Cali Kheyre ayaa xalay waqooyiga Mareykanka kula kulmay Jalaiyadda Soomaaliyeed ee GobolkaVirginia, halkaasoo uu doonayay inuu kula hadlo.



Ujeedadiisu waxay ahayd inuu dadka u sheego in xukuumaddiisu fiican tahay, dhanka kalana ka dalbado taageero dhaqaale, laakin wax yar uun markey socotay khudbaddiisii ayaa waxaa ku dibad baxay qaar kamid ah jaaliyadda.

Madashii uu ka khudbeynayay ayaa waxaa soo galay dad ku dhawaaqaya erayo ka dhan ah dowladda federalka sidoo kalana cod dheer ku oranaya qalbi dhagax hala soo daayo.

Arriintaasi waxay sababtay in la isku dhex yaaco, Xassan Cali Kheyrana uu joojiyo khudbaddii uu waday.



Intaa waxa dheer oo ay dad weyne badan ku bannaan bexeen bannaanka hore ee xarunta iyagoo muujiyay in DF tahay daba dhilif u shaqeeya xabashida Itoobiya.

Bannaan baxan ayaa waxa uu sababay in sdoo kale uu ra’iisulwasaaruhu baajiyo safar uu ku tagi lahaa gobolka ay Soomaaliya ku badan tahay ee Manisotta oo ay joogaan dad badan oo kasoo hor jeeda dowladda federalka iyo ciidamada shisheeye ee duullaanka ku jooga wadanka Soomaaliya.

DF ayaa fadeexad iyo waji gabax kala kulantay tallaabadii ay Xabashida Itoobiya ugu dhiibtay muwaadin Soomaali ah oo lagu magacaabo Qalbi-dhagax.

Soomaalida Mareykanka ku dhaqan ayaa kamid ah jaaliyadihii ugu horreeyay ee ka dibad baxay ficilkii foosha xumaa ee ay dowladda ku dhawaaqday.

Ujeedada uu Farmaajo uga baaqday kulankii Qaramada midoobay ee Newyork ayaa waxay tahay sida siyaasiyiintu sheegayaan isagoo ka baqayay in Soomaalida Mreykanka ku dhaqan ku dibad baxaan, kuwaasoo waliba isaga si aad ah ugu careysan islamarkaana uu ugu khudbeyn jiray inuu yahay nin muwaadin ah oo aan jecleyn Xabashida.

Xigasho: Radio Alfurqaan

Related Items