Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug iyo Madaxweyne Ku/xigeenka oo Xabsi Guri Ku Ah Cadaado.

Tuesday September 26, 2017 - 19:12:11 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug iyo Madaxweyne Ku/xigeenka oo Xabsi Guri Ku Ah Cadaado.

    Jiha wareer dhanka siyaasadda ah ayaa wali kajira magaalada Cadaado ee gobolka Mudug oo uu kajiro maamul loogu magac daray 'Galmudug State' kaasi oo xiriir laleh dowladda Xabashida Itoobiya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Jiha wareer dhanka siyaasadda ah ayaa wali kajira magaalada Cadaado ee gobolka Mudug oo uu kajiro maamul loogu magac daray 'Galmudug State' kaasi oo xiriir laleh dowladda Xabashida Itoobiya.

Wararka ka imaanaya Galguduud ayaa sheegaya in maleeshiyaad daacad u ah Axmed Ducaale Geelle Xaaf ay xabsi guri kusoo rogeen Max’med Xaashi Carrabeey madaxweyne ku xigeenkii Galmudug iyo guddoomiyihii Baarlamaanka.

Cali Gacal Casar ayaa BBC-da u sheegay in isaga iyo saaxibkiis Max’med Xaashi ay Xabsi guri ku yihiin xarunta madaxtooyada Galmudug "Aniga iyo madaxweyne ku xigeenka waxaan Xabsi guri ku nahay madaxtooyada magaalada Cadaado, ilaalada xarunta waxay noo sheegeen in Madaxweyne xaaf uu amar ku bixiyay in aanan dhismaha madaxtooyada ka bixi Karin” ayuu yiri Cali Gacal Casar.


Labadan siyaasi ee xabsi guriga lagusoo rogay ayaa khilaaf ka dhax abuuray maamulka Galmudug kadib markii ay kasoo horjeesteen go’aankii Galmudug ay kula safatay isbahaysiga dowladaha Sacuudiga iyo imaaraatka Carabta.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay waxay sheegayaan in maleeshiyaad iskasoo horjeedo ay ku wada suganyihiin magaalada Cadaado waxaana laga cabsi qabaa in marwaba ay dhaxdooda dagaallamaan siyaasiyiinta is khilaafsan.

Maamulkan Fadhiidka ah waxaa ragaadiyay khilaafaadyo daakhili ah waxaana badanaa khilaafkan gadaal ka riixaysa Dowladda Federaalka, dhinaca kale xildhibaano ku shiray Cadaado ayaa sheegay in ay diyaariyeen mooshin ka dhan ah guddoomiyaha Baarlamaanka oo caddeystay in uu ku shaqeynayo siyaasadda Xasan Cali Kheyre.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items