Wasiirka Difaaca Mareykanka Oo isku day dil Ka Badbaaday Kadib Markii Lagu Weeraray Magaalada Kaabuul.

Wednesday September 27, 2017 - 10:54:32 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Difaaca Mareykanka Oo isku day dil Ka Badbaaday Kadib Markii Lagu Weeraray Magaalada Kaabuul.

    Wararka ka imaanaya wadanka Afghanistan ayaa sheegaya in si dirqi ah uu ku badbaaday wasiirka difaaca dowladda Mareykanka xilli uu booqasho dhuumasho ah ku tagay magaalada Kaabul.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya wadanka Afghanistan ayaa sheegaya in si dirqi ah uu ku badbaaday wasiirka difaaca dowladda Mareykanka xilli uu booqasho dhuumasho ah ku tagay magaalada Kaabul.

Wakaaladda wararka AFP ayaa sheegtay in dhowr saaruukh lala helay garoonka diyaaradaha caalamiga Kaabuul daqiiqo kadib markii ay soo caga dhigatay diyaaraddii uu la socday James Mattis oo ah wasiirka difaaca Mareykanka.

Saraakiisha ammaanka xukuumadda Afghanistan ayaa xaqiijiyay in ugu yaraan laba saaruukh ay ku dhaceen halka diyaaraduhu ku ordaan ee garoonka caalamiga Kaabuul balse ma sheegin khasaaraha ka dhashay.

Taageerayaasha Taliban ayaa baraha bulshada ku faafiyay in Sawaariikh lagusoo dhaweeyay James Mitts waxayna sheegeen in socdaalkiisa oo qarsoodi ahaa ay ka war hayeen saraakiisha mujaahidiinta Afghanistan.


Dowladda Mareykanka ayaa isbuucyadii lasoo dhaafay ciidamo gaaraya sedax kun oo askari ku daad guraynaysay wadanka Afghanistan si ay uga hortagaan weerarada sii xoogeysanaya ee Taliban ay ka waddo inta badan gobollada wadankaasi ka koobanyahay.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items