Boqorka Sacuudiga Oo Haweenka Ufasaxay in Ay Gawaarida Kaxayn Karaan.

Wednesday September 27, 2017 - 19:19:58 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Boqorka Sacuudiga Oo Haweenka Ufasaxay in Ay Gawaarida Kaxayn Karaan.

    Nidaamka Daba dhilifka ah ee Aala Sacuud ayaa u hoggaansamaday Cadaadiska kaga yimid dowladaha reer galbeedka, isagoona Haweenka Ku nool dalkaasi u ogolaaday inay Gawaarida kaxeyn karaan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Nidaamka Daba dhilifka ah ee Aala Sacuud ayaa u hoggaansamaday Cadaadiska kaga yimid dowladaha reer galbeedka, isagoona Haweenka Ku nool dalkaasi u ogolaaday inay Gawaarida kaxeyn karaan.


Nidaamka daba dhilifka ee Aala Sacuud ayaa markii ugu horreysay ogolaaday in Haweenka ku nool dalkaasi ay gawaarida kaxeysan karaan iyagoo Maxram la'aan ah.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Boqorka dhaaghuutka ee dalka Sacuudiga Salmaan Binu Cabdul Caziiz ayaa lagu sheegay in hadda wixii ka dambeeya ay Haweenka loo ogolaan doono kaxeynta Gawaarida.

Horey waxaa Haweenka ku nool dalka Sacuudiga mamnuuc ka ahaa inay gawaarida kaxeeyaan, iyo inay dibadda dalka u safraan iyagoo bilaa Maxram ah.



Wareegtada kasoo baxday Xafiiska Boqortooyada ayaa waxaa sidoo kale lagu sheegay in meel marinta go'aankani uu yimid kadib markii inta badan Aqlabiyadda waxa loogu yeero Hey'adda Culimada ee Sacuudiga ay fatwoodeen in Asal ahaan ay banaan tahay in Haweenku ay kaxeyn karaan gawaarida.

Waxa loogu yeero Hey'adda Culimada ee dalka Sacuudiga ayaa ka kooban koox Wadaado Xumayaal ah, kuwaas oo si toos ah uga amar qaata Boqorka Dhaaghuutka ee Sacuudiga, iyagoona had iyo jeer soo saara Fatwooyin ay ku taageerayaan go;aannada kasoo baxa Boqortooyada.

Wareegtadani cusub ee uu soo saaray Salmaan Binu Cabdul Caziiz ayaa waxay kusoo beegmeysaa iyadoo maalmo ka hor uu Nidaamka Aala Sacuud ogolaaday in Haweenku ay ka qeyb geli karaan islamarkaana u daawasho tagi karaan Garoomada lagu ciyaaro Kubadda Cagta arrintaas oo horey mamnuuc uga ahey dalka Sacuudiga.

Nidaamka Daba dhilifka ee Aala Sacuud ayaa mudooyinkii dambe waxa uu waday ol-ole ballaaran oo lagu badalayo dhaqanka iyo Thaqaafada islaamiga ah ee Muslimiinta Bilaadul Xarameynka, waxaana Nidaamkaas oo raalli gelinaya dowladaha reer galbeedku ay doonayaan inay qaadaan tallaabooyin dheeraad ah oo lagu dhaqan rogayo Shacabka dalkaasi ku nool.

 

Related Items