Dadka Kurdiyiinta Waqooyiga Wadanka Ciraaq Oo HAA Ugu Codeeyay in Ay Dowlad Noqdaan.

Wednesday September 27, 2017 - 19:58:58 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dadka Kurdiyiinta Waqooyiga Wadanka Ciraaq Oo HAA Ugu Codeeyay in Ay Dowlad Noqdaan.

    Guddiga Aftida gobolka Kurdistaan ee waqooyiga Wadanka Ciraaq ayaa ku dhawaaqay natiijada kama dambeysta ah ee codbixintii dhawaan loo qaaday in gobolkaasi noqdo dal madax banaan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddiga Aftida gobolka Kurdistaan ee waqooyiga Wadanka Ciraaq ayaa ku dhawaaqay natiijada kama dambeysta ah ee codbixintii dhawaan loo qaaday in gobolkaasi noqdo dal madax banaan.

Shir Jaraa’id oo magaalada Arbiil ay ku qabteen madaxda ugu sarraysa guddiga ayaa lagu sheegay in 92% shacabka Kurdiyiinta ay u codeeyeen in Kurdistan ay noqoto dal madax banaan dalweynaha Ciraaq intiisa kale.

Dabaal degyo ay dhigayaan dadka Kurdiyiinta ayaa durbadiiba ka bilaawday dhammaan magaalooyinka gobolka Kurdistaan sida Suleymaaniya,Arbiil iyo Xalabjah, in kabadan 72% ayaa la xaqiijiyay in ay codeeyeen shacabka Kurdiyiinta.

Mascuud Barazaani oo ah hoggaamiyaha maamul gobolkeedka Kurdistan ayaa soo dhaweeyay natiijada Aftida wuxuuna ugu baaqay xukuumadda Dabadhilifka Ciraaq iyo dowladaha gobolka in ay xaalada dajiyaan oo ay wadahadal lagalaan dowladdiisa curdunka ah.


Dhinaca kale xukuumadda Baqdaad ayaa ku dhawaaqday in ay joojisay dhammaan duulimaadyadii diyaaradaha caalamiga ah ee ka dagi jiray magaalooyinka waaweyn ee gobolka Kurdistaan.

Waa Markii ugu horraysay oo qowmiyadda Kurdiyiinta ee kunool wadamada Ciraaq, Turkiga,iiraan iyo Suuriya ay dhistaan dowlad balse dowladaasi ayaa wajahaysa caqabado dhan walba ah oo dhanka aqoonsiga ah.

Related Items