Wasiirka Amniga "Xilkeyga Ayaan Ku Wayn doonaa Dhacdadii Xamar Weyne Haddii Aan Lasoo Qaban Raggii Weerarka Fuliyay".

Thursday September 28, 2017 - 15:45:22 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Amniga "Xilkeyga Ayaan Ku Wayn doonaa Dhacdadii Xamar Weyne Haddii Aan Lasoo Qaban Raggii Weerarka Fuliyay".

    Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in weerarkii shalay ka dhacay degmada Xamar Weyne ee lagu beegsaday gaari ay laheyd guddoomiyaha Ururka Haweenka uu caqabad weyn ku yahay jiritaanka laamaha ammaanka DF-ka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in weerarkii shalay ka dhacay degmada Xamar Weyne ee lagu beegsaday gaari ay laheyd guddoomiyaha Ururka Haweenka uu caqabad weyn ku yahay jiritaanka laamaha ammaanka DF-ka.

Max’med Abuukar Isloow oo ah Wasiirka Ammaanka DF-ka ayaa u sheegay saraakiisha booliska in mas’uuliyiin sarsare oo katirsan golaha wasiirrada iyo waaxaha ammaanka ay shaqadooda ku weyn doonaan dhacdadii Xamar Weyne haddii aan gacanta lagusoo dhigi raggii weerarka fuliyay sida uu hadalka u dhigay.

isagoo boqolaal askar iyo saraakiil ah kula hadlayay xarunta iskoola Boliisiyo ayuu walaac ka muujiyay weerarkii Xarakada SHM ay ku qaaday gaariga Batuulo Sheekh Axmed Gaballe "Hadii aad keeni weysaan dadkii ka dambeeyay falkaas, aniga xilkeyga ku weynaya, anaaga shacabka xilkaan uma qaadin inaan iska fariisano oo baabuur Bulletproof ku soconno, waxana idiin sheegayaa in dad badan ay arrintan xilkooda ku weynayaan xabsina u galayaan”ayuu yiri Isloow.


Wasiirka ammaanka ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay in Al Shabaab si dhiiranaan ka muuqato oo aan gabasho laheyn ay weerar uga fuliyaan degmada Xamar Weyne oo ay kuyaallaan inta badan xafiisyada dowladda iyo kuwa sirdoonka kadibna ay iyagoo nabad qaba ka tagaan goobta wuxuuna dadkii goobta ku sugnaa weydiiyay su’aalo quus muujinayay.

"Dhacdadii shalay ka dhacday Suuqa Xamar weyne ma ahan wax loo dulqaadan karo, waa lagu daba jiraa iyo waa la soo qabanaa ma ahan wax na qancineyso, anaga meeshi iskama sii joogi karno, waxaa u sheegayaa Booliska in maalinta Axada ay keenaan dadkii ka dambeeyay falkaas” Wasiirka amniga.

illaa iyo maalinta Axadda ayuu uqabtay ciidamada Booliska iyo kuwa sirdoonka in ay gacanta kusoo dhigaan raggii fuliyay weerarkii Xamar Weyne ee lagu dilay Xoghayihii guud ee Ururka 'Haweenka Qaranka.

Dadka sida dhow ula socda hab dhaqanka saraakiisha dowladda Federaalka ayaa saadaalinaya in maalmaha soo socda ay ciidamada sirdoonka iyo kuwa booliska howlgallo raaf ah ka fulin doonaan  degmooyinka gobolka Banaadir kadibna ay saxaafadda usoo badhigi doonaan dad shacab ah oo ay ku sheegayaan in ay yihiin kuwii ka dambeeyay weerarka si ay uga badbaadaan xilka qaadis.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]


Related Items