Diyaaradaha Mareykanka Oo Dad Shacab Ah Ku Duqeeyay Magaalada Kaabuul.

Thursday September 28, 2017 - 19:34:22 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Diyaaradaha Mareykanka Oo Dad Shacab Ah Ku Duqeeyay Magaalada Kaabuul.

    Diyaaradaha Mareykanka ayaa Dad Shacab ah ku laayay Duqeymo ay ka geysteen magaalada Kaabul ee dalka Afghanistan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Diyaaradaha Mareykanka ayaa Dad Shacab ah ku laayay Duqeymo ay ka geysteen magaalada Kaabul ee dalka Afghanistan.



Diyaaradaha dagaalka ee Dowladda  Mareykanka ayaa tiro dad Shacab ah waxay ku laayeen meel ku dhow magaalada Kaabuul ee Waqooyiga Dalka Afghanistan.

Duqeyntan ayaa dhacday gelinkii hore ee maalintii shalay, waxaana ay timid markii dagaal yahanno ka tirsan Mujaahidiinta Daalibaan ay gantaallo kusoo weerareen Garoonka diyaaradaha ee magaalada Kaabul xilli halkaas ay ka dageysay Diyaarad uu la socday Wasiirka Gaashaandhigga ee Mareykanka.



Ugu yaraan laba qofood ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen Duqeynta ay geysteen diyaaradaha dagaalka ee Mareykanka, waxaana sidoo kale ku dhaawacay tiro dhow qofood ah.

War kasoo baxay Taliska Ciidamada  NATO ee duullaanka gardarra  ah ku jooga dalka Afghanistan ayaa waxay ku xaqiijiyeen in diyaaradahooda dagaalka ay ka dambeeyeen duqeyntaasi waxayna sheegeen inay u dhacday si khalad ah.

Isbaheysiga NATO waxay sheegeen in Duqeyntaasi ay dhacday wakhti ay Ciidamada Xukuumadda daba dhilifka ee Afghanistan ka hor tagayeen Weerarka Madaafiicda ah ee ay soo qaadeen Mujaahidiinta Daalibaan.

illaa 20 Madaafiic ah ayay Mujaahidiinta Imaarada islaamiga ah ee Afghanistan maalinti shalay ku duqeeyeen qeybta Meliteriga ee Garoonka diyaaradaha ee magaalada Kaabuul, xilli ay halkas kasoo dagtay diyaarad siday Wasiirka Gaashaandhigga Mareykanka Jiim Mitts.

Madaafiicda ayaa waxay gudaha ugu dhaceen Garoonka diyaaradaha, iyagoo geystay bur bur soo gaaray qaar ka mid ah Dhismayaashii Garoonka, inkastoo oo aan la sheegin wax khasaare Nafeed ah oo Duqeyntaasi ay sababtay.

Related Items