Sheykh Cali Dheere Oo Ka Hadlay Weerarkii Bariire, Farriin Adagna U Diray Mareykanka [DHAGEYSO].

Friday September 29, 2017 - 16:30:46 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 3 1
  • Share via Social Media

    Sheykh Cali Dheere Oo Ka Hadlay Weerarkii Bariire, Farriin Adagna U Diray Mareykanka [DHAGEYSO].

    Afhayeenka XMSH, Sheykh Cali Maxamuud Raage ayaa jeediyey kalimad uu kaga hadlay weerarkii ballaarnaa ee maanta lagu xasuuqay maleeshiyaatka murtadiinta ee ka dhacay deegaanka Bariire ee duleedka magaalada Muqdisho, Isagoona sheegay in weerarkaas uu

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Afhayeenka XMSH, Sheykh Cali Maxamuud Raage ayaa jeediyey kalimad uu kaga hadlay weerarkii ballaarnaa ee maanta lagu xasuuqay maleeshiyaatka murtadiinta ee ka dhacay deegaanka Bariire ee duleedka magaalada Muqdisho, Isagoona sheegay in weerarkaas uu aargud u ahaa Muslimiintii lagu xasuuqay Bariire iyo Tuulada Axmad Yare ee dhacda duleedka degmada Jilib.



Kalimaddan oo la dhageysan karo muddo 11 daqiiqo ah ayuu Sheykh Cali dheere ku bilaabayaa xasuuqii Bariire iyo tuulada Axmad Yare, ka dibna wuxuu tilmaamayaa in Mujaahidiinta iyagoo ka jawaabayaa falalkaa wuxuushnimo ay abaabuleen weeraro ka dhan ah Maleeshiyaadka DF-ka ee Mareykanku tababaray.

"Sidaas daraadeed maanta oo ay taariikhdu tahay 9-ka bisha Muraxam 1439, waxay Mujaahidiintu weerareen maleeshiyaatka Murtadiinta ee uu Mareykanka soo tababaray ee ku sugan deegaanka Bariire, kuwaas oo joogay laba saldhig oo gaaladu ay u dhiseen, difaacyo adagna u sameeyeen” ayuu yiri Sheekh Cali dheere.



Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu Sheykh Cali dheere yiri: "Allaah ayaa u suurageliyey Mujaahidiinta in ay halkaas qabsadaan ka dib markii mujaahidiintu ay camaliyaat Istish-haadi ah ku fuliyeen, ka dibna ay ciidamadu uga soo daateen darbiyada iyo difaacyadii ay dhisteen, iyagoo halkaas gudaha u galay, si ba’ana u laayey cadowgii xasuuqay Muslimiinta”.

Dhimasho & Ganiimo

Sheykh Cali Dheere ayaa sheegay in qasaaraha hordhaca ee murtadiinta uu gaarayo in ka badan 30, Islamarkaana ay Mujaahidiintu gacanta ku dhigeen gaadiid dagaal dagaal oo uu cadowga kaga cararay goobta.

"Haddii ay gaaladu Bariire ku xasuuqday tobaneeyo Muslimiin ah, Iyagana wuxuu maanta qasaarahoodu marayaa in ka badan 30 murtadiinta ka mid ah sida aan ku heyno Akhbaarta hordhaca ah ee aan ka heleyno Mujaahidiinta, Sidaas si la mid ah Mujaahidiintu markii ay aarsadeen ee ay gumaadeen cadowgii baab’iyey Umadda Soomaaliyeed, waxay halkaas ka soo ganiimeysteen 11 gaari oo isugu jira kuwa dagaalka iyo kuwa xamuulka” ayuu yiri.

Sheykh Cali Dheere ayaa tilmaamaya in weerarkan uu fariin u yahay Mareykanka, Dowladda Farmaaho  iyo cid kasta oo ku xadgudubta dadka Muslimiinta, Isagoona sheegay in dhiigga Muslimiinta aanan si sahlan lagu ilaawi doonin.

Farriimaha Uu Xambaarsan Yahay.

"Weerakan wuxuu fariin u yahay cid kasta oo ku xadgudubta dadka Muslimiinta ah taas oo xambaarsan in ay lagama maarmaan tahay in maalin un laga aargudan doono oo dhigga Muslimiinta uusan noqon doonin xisaab la’aan iyo in cid walba oo taako u geysatay Muslimiinta, iyadana loo geysan doono laba taako” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu yiri: "Wuxuu fariin u yahay runtii nimanka gaalada ah iyo kuwa la socda, iyagana wuxuu u tilmaamayaa in aysan suurtoobi Karin in nin u dagalaamaya Mushaar oo xoogaa dhaqaalo ah u dagaalamya oo aad gadaal ka soo taabateen in uusan la dagaalami Karin nin u dagaalamaya caqiidadiisa iyo diintiisa”.

"Hadaad wax kasta soo dhoodhoobtaan meeshaan un bey ku dambeyn doonaan, kuwa aad soo dhoodhoobteen ee aad Buula-Gaduud keenteen meesha ay ku dambeeyeen waad ogeydeen, kuwa aad halkan keentena meesha ay ku dambeeyeen waad garaneysaan, kuwii Axmaarada soo tababartay ee Balad-Xaawo iyo Ceelwaaq ay keentayna waad garaneysaan halkii ay ku dambeeyeen, Bi’idnillaah kuwa aad soo tababari doontaana halkaas ayey mari doonaan” ayuu hadalkiisa sii raaciyey.

Mareykanka & Dowladda Federaalka.

Sheykh Cali Dheere ayaa sidoo kale fariin adag u diray murtadiinta, sidoo kalena sheegay in Mareykanka uu isna mar un dhadhamin doono Xasuuqa maanta lagala dul dhacay maleeshiyaadka calooshood u shaqeysta ah.

"Murtadiinta waxaan leenahay: waa kuwaa Mareykanka iyo gaalada maanta idinkaga cararay halkii ay shaley idiin keeneen, difaacana kaligiin idinku baneeyey, Xasuuqa iyo baaba’una idinku dhacay. Insha’allaah waxaan rajeyneynaa in iyaguna maalin maalmaha ka mid ah ay dhadhamin doonaan waxa aad dhadhamiseen oo sida uu meydkiinu isu barkaday, uu nimankaas cadaanka ah ee halkan idiin keenayna maalin uu meydadkoodu sidaas isu barkan doono”.

Ugu dambeyntii wuxuu afhayeenka Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab Sheykh Cali Dheere u bishaareyey dadka Muslimiinta, Isagoona u sheegay in Mujaahidiintu aysan ilaawi doonin dhigga qof waliba oo Muslim ah oo si xaqdaro ah lagu daadiyey, waxaana uu yiri:.

"Dadka Muslimiinta waxaan leenahay Bishaareysta, shaley haddii la idiin xasuuqay oo la idiin baabi’iyey iyagana maanta ayaa la xasuuqay. Dhiig dhiig ayaa lagu aargudayaa, dumina dumin ayaa lagu aargudayaa. Inta ay idiin geysteena waa loo geysanaa Insha’allaah. Waan la gaadeynaa waana la sugeynaa Insha’allaah maalintey noqotaba, Mujaahidiinta ayaana u taagan in ay idiin aargudaan bi’idnillaah”.

Halkan ka dhageyso Kalimadda Sh.Cali Dheere MP3

Source: Radio Andalus

 

 

Related Items