Dhageyso: Barnaamijka [Jabuuti Fagaare Ay isku Hayaan Dowladaha Caalamka].

Saturday September 30, 2017 - 11:21:14 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Dhageyso: Barnaamijka [Jabuuti Fagaare Ay isku Hayaan Dowladaha Caalamka].

    Barnaamij socanaya muddo hal saac ah ayay qabatay idaacadda Islaamiga Andalus waxaana Barnaamijka si qota dheer uu uga hadlayaa wadanka Jabuuti ee dhaca Bariga qaaradda Afrika.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Barnaamij socanaya muddo hal saac ah ayay qabatay idaacadda Islaamiga Andalus waxaana Barnaamijka si qota dheer uu uga hadlayaa wadanka Jabuuti ee dhaca Bariga qaaradda Afrika.

Wadanka Djibouti tobanaankii sano ee la soo dhaafay wuxuu masrax u ahaa loolanada xoogan ee ka socda caalamka, wuxuuna martigeliyey saldhigyada dowlado waaweyn oo hogaaminaya dagaalka ka dhanka ah islaamka iyo Muslimiinta.

Wuxuu sidoo kale hooy siiyey dowlado badan oo dano siyaasadeed iyo kuwa dhaqaale ka leh gobolka laakiin bishii la soo dhaafay ee August ee sanadkan ayuu dareenka indhaha caalamka soo jiitay markii dowladda Shiinaha ay ku dhawaaqday in ay Al-baabada u furtay saldhig military oo ay ka sameysatay dalkaas taas oo dad badan ay ku tilmaameen in uu sii xoojin doono tartanka adag ee mandiqadda ku dhexmaraya dowladaha waaweyn ee caalamka.


Idaacadda Islaamiga Andalus ayaa diyaarisay Barnaamij gaar ah oo loogu magacdaray "Djibouti - Fagaare ay isku hayaan Awoodaha Caalamka" iyadoo is dul-taag iyo warbixino ka sameysay tirada saldhigyada military ee ku yaalla dalkaas, danaha dhaqaale iyo kuwa siyaasadeed ee iska soo horjeeda iyo sida mustaqbalka dalka Djibouti uu gacanta ugu dhacay hal qoys oo qura, dadka intooda kalena aysan kaga muuqan siyaasadda ganacsiga, iyo arimaha bulshada.

Waxay sidoo kale soo gudbineysaa warbixino muujinaya heerka shaqo la'aan iyo saboolnimo ee ka jirta dalka Djibouti iyo sida hogaamiyaha kaligii taliska ah uu u qamciyey mucaaradka iyo bulshada intooda kale.

Halkan ka dhageyso Barnaamijka MP3

Related Items