Wasiirkii Caafimaadka Maamulka Trump Oo iska Casilay Xilkii Uu Hayay.

Saturday September 30, 2017 - 12:20:23 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirkii Caafimaadka Maamulka Trump Oo iska Casilay Xilkii Uu Hayay.

    Si lama filaan ah wasiirkii caafimaadka dowladda Mareykanka ayaa iska casilay xilii uu ka hayay maamulka Trump.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Si lama filaan ah wasiirkii caafimaadka dowladda Mareykanka ayaa iska casilay xilii uu ka hayay maamulka Trump.

Tom Price ayaa ragga wararka fidiya u sheegay in uu shaqada isaga tagay kadib murun badan oo ka yimid lacago boqolaal kun dollar ah oo uu ku bixiyay safarro uu isaga kala gooshay caalamka iyo gudaha wadanka Mareykanka.

Dowladda Mareykanka waxay sheegtay in si adag ay ula socoto dhaq dhaqaaqa dhaqaale oo ay sameynayaan illaa iyo Afar wasiir oo katirsan maamulka Trump.

Dacwa soo oogayaal ayaa sheegay in Tom Price uu safar ku galay lacag dhan $400,000 dollar isagoo kiraystay diyaarado ganacsi oo qaali ah, lacagtaas boqolaalka kun ee dollarka ah ayuu wasiirkii hore ee caafimaadka ku galay 26 safar oo qura.


Wargeyska New York Times ayaa faafiyay xog ku saabsan wasiirka iscasilay oo aad uga xumaaday dhacdooyin khuseeya shaqadiisa oo ay ku lug lahaadeen mas’uuliyiin qaabilsan dhanka dabagalka.

War kasoo baxay aqalka cad ee Mareykanka ayaa lagu sheegay in madaxweyne Trump uu xilka wasaaradda caafimaad u magacaabay shakhsi kale ka hor intii uusan iscasilin Tom Price.

Fowdo iyo qalaanqal ayaa soo wajahay maamulka Trump sagaal bil oo uu xilka madaxtinimada haayo waxaana shaqadii ay hayeen iska casilay wasiirro iyo lataliyaal ka shaqeynayay xarunta aqalka cad

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items