Akhri: Magacyada Qaar Kamid Ah Saraakiishii Lagu Dilay Weerar Ka Dhacay Deegaanka Bariire.

Saturday September 30, 2017 - 15:58:03 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Akhri: Magacyada Qaar Kamid Ah Saraakiishii Lagu Dilay Weerar Ka Dhacay Deegaanka Bariire.

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaalkii khasaaraha badan dhaliyay ee shalay ka dhacay deegaanka Bariire gobolka Shabeelaha Hoose.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaalkii khasaaraha badan dhaliyay ee shalay ka dhacay deegaanka Bariire gobolka Shabeelaha Hoose.

Ugu yaraan 50 Askar iyo saraakiil ah oo katirsan Maleeshiyaadka Bangaraafta loo yaqaan ee Mareykanku tababaray ayaa lagu dilay weerarkii Bariire.

Ilo wareedyo aan helnay ayaa sheegaya in khasaaraha ugu badan uu ka dhashay weeraro naf-hurnimo oo lagu qaaday laba saldhig oo ciidamada Mareykanku tababaray ay ku lahaayeen gudaha deegaanka Bariire.



Burbur xooggan ayaa dagaalkii shalay kasoo gaaray buundada deegaanka Bariire oo meel dhowr tallaab ujirta ay saldhig ku lahaayeen ciidamada Mareykanku tababaray.


Meydadka 50 askari ayaa laga aruuriyay saldhigyadii weeraradu ka dhaceen waxaana jira ciidamada qaar oo u dhintay dhaawacyo kasoo gaaray dagaalkii shalay, magacyada saraakiisha ladilay qaarkood oo aan helnay ayaa ahaa saraakiishii dowladda Mareykanka ay ku tababartay saldhig kuyaal garoonka diyaaradaha Balidgoogle.

Al Shabaab waxay gacanta ku dhigeen dhammaan agabyadii melleteri ee yiillay deegaanka Bariire waxaana kamid ah gaadiid dagaal, hub rasaas iyo agabyo kale, taaktiik dagaal oo cajiib ah ayay shabaabku u adeegsadeen dagaalka taas oo sababtay in Maleeshiyaadka Bangaraafta ay waayaan meel ay uga baxsadaan dhimashada.

 Hoos Ka Akhri qaar katirsan Magacyada Saraakiishii lagu dilay dagaalkii Bariire.

1- Mahad Dul-Dheer oo ahaa taliye Hoorin oo caanka ahaa deegaanka,waana sarkaal si gaar ah looga tixgaliyo saldhigga ciidamada  Mareykanka ee Bilidoogle.

2-Muxamed Cali oo ka mid ahaa saraakiishii  ku sugneed saldhigga deegaanka Bariire.

3-Cali Xasan oo ahaa Taliye Hoorin kana mid ahaa saraakiisha sar sare ee ku sugneed deegaanka.

4-Faarax Yare oo ahaa sarkaal sare oo ka tirsan maleeshiyaatka sida gaarka ah Mareykanka u tababaray.

5-Xuseen Maxamuud Caddaan oo ku magac dheeraa Afraxoow wuxuu ahaa sarkaal Balidoogle lagu tababaray

Related Items