Daawo Sawirro: Dowladda Turkiga Oo Saldhiggii Ugu Horreeyay Ee Afrika Ka Furatay Magaalada Muqdisho.

Saturday September 30, 2017 - 15:56:03 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo Sawirro: Dowladda Turkiga Oo Saldhiggii Ugu Horreeyay Ee Afrika Ka Furatay Magaalada Muqdisho.

    Dowladda Turkiga ayaa si rasmi ah xarigga uga jartay saldhig melleteri midkii ugu horreeyay oo ay abid ka furato qaaradda Afrika.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Turkiga ayaa si rasmi ah xarigga uga jartay saldhig melleteri midkii ugu horreeyay oo ay abid ka furato qaaradda Afrika.



Turkiga oo shantii sanadood ee lasoo dhaafay duullaanka dhanka dhaqaalaha iyo akhlaaqda ah ku haayay shacabka Soomaaliyeed ayaa hadda duullaankiisa kusoo daray dhanka melleteriga, munaasabad ballaaran oo ka dhacday saldhigga Turkiga ee kuyaal deegaanka Jaziiro ayaa lagu shaaciyay in uu furanyahay saldhigga Turkiga ee Soomaaliya.

Xasan Cali Kheyre taliyaha ciidanka Turkiga iyo saraakiil ka socotoy waxa loogu yeero beesha caalamka ayaa ku sugnaa munaasabaddii xarigga looga jarayay saldhiggan melleteri oo lafilayo in lagu tababaro ciidan Soomaali ah oo gaaraya 1,500 askari.



Ciidamada tababarka loo xaraynayo ayaa ah dhalinyaro Soomaali ah oo dowladda Turkiga sanado ka hor ay dibadda uqaadday iyadoo xilligaas sheegaysay in ay waxbarasho aas-aasi ah siinayso balse ujeedkeeda rasmiga ah uu ahaa in laciidameeyo oo lagu qanciyo kamid ahaashiyaha DF-ka.

Dowladda Turkiga oo ah dowladda 2-aad ee ugu ciidanka badan isbahaysiga NATO marka laga reebo Mareykanka ayaa doonaysa in awood dhaqaale iyo mid melleteri kuyeelato bariga qaaradda Afrika gaar ahaan Soomaaliya.

Safaaradda Turkiga ee magaalada Muqdisho ayaa horay ugu guuleysatay in shirkado Turki ah ay ugacan geliso kaabayaasha dhaqaalaha dalka sida Garoonka diyaaradaha caalamiga Muqdisho iyo dekadda caalamiga ah.

Waxaa xusid mudan in dowladda Turkiga ay sanadadii lasoo dhaafay ay maalgelinaysay ciidamada Jinsiyadaha kala duwan leh ee duullaanka ku jooga Soomaaliya sida AMISOM iyo Itoobiya.




Related Items