Weerar Madaafiic Ah Oo Lagu Qaaday Saldhigyada Ciidamada Itoobiya Ee Magaalada Baydhabo.

Sunday October 01, 2017 - 09:30:00 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Weerar Madaafiic Ah Oo Lagu Qaaday Saldhigyada Ciidamada Itoobiya Ee Magaalada Baydhabo.

    Saldhigyada Ciidamada Xabashida Itoobiya ee ku sugan gobolka Bay ayaa weerar xooggan kala kulmay Xarakada Al Shabaab.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Saldhigyada Ciidamada Xabashida Itoobiya ee ku sugan gobolka Bay ayaa weerar xooggan kala kulmay Xarakada Al Shabaab.

Wararka ka imaanaya gobolka Bay ayaa sheegaya in duqeyn culus lagu qaaday saldhigyo ciidamada Itoobiya uga suganyihiin magaalada Baydhabo.

Goob Joogayaal ayaa sheegay in madaafiicda hoobiyaha ay ku hoobatay xarunta ADC-da iyo garoonka diyaaradaha Baydhabo oo ay degganyihiin ciidamada Xabashida Itoobiya.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamada Itoobiya ay saaka baaritaanno ka sameeyeen xaafadaha magaalada Baydhabo balse lama oga khasaaraha ka dhashay duqeyntii xalay.


Dhinaca kale weerar loo adeegsaday Bambaano ayaa xalay fiidkii lagu weeraray maleeshiyaad katirsanaa maamulka 'Koonfur Galbeed' xilli ay ku sugnaayeen isku imaatin bartamaha magaalada Baydhabo.

Duqeyntan Xalay ka dhacday Baydhabo ayaa kusoo aadaysa xilli habeennadii lasoo dhaafay ciidamada  Xarakada Al Shabaab ay weeraro ka geysanayeen gudaha magaalada.


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items