Taliye Katirsan Ciidanka DF-ka Oo isku Day Dil Ka Badbaaday kadib Qarax lagula Beegsaday Duleedka Muqdisho.

Sunday October 01, 2017 - 12:19:07 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Taliye Katirsan Ciidanka DF-ka Oo isku Day Dil Ka Badbaaday kadib Qarax lagula Beegsaday Duleedka Muqdisho.

    Khasaara ayaa ka dhashay qarax xooggan oo maanta barqadii duleedka magaalada Muqdisho lagula beegsaday ciidamo katirsan dowladda Fedeaalka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sawir hore qarax Ka Dhacay Muqdisho
Khasaara ayaa ka dhashay qarax xooggan oo maanta barqadii duleedka magaalada Muqdisho lagula beegsaday ciidamo katirsan dowladda Fedeaalka.



Gaari Tikinika ah nuuca ay Soomaalidu u taqaan Cabdi Bile ayaa burburay kadib markii qarax lagula beegsaday deegaanka Weydoow ee dhanka galbeed uga beegan magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.

Goob Joogayaal ayaa sheegay in ciidamadii gaariga la socday ay dhaawacyo  noqdeen, dhinaca kale war rasmi ah oo kasoo baxay Xarakada Al Shabaab ayay ku sheegatay mas’uuliyadda weerarka.

Al Shabaab waxay sheegtay in 7 askari ku dhaawacmeen qaraxa gaariga lala beegsaday islamarkaana uu si dirqi ah ku badbaaday Nin Jeneraal ah oo bartilmeedku ahaa , qaraxyada iyo dilalka ka dhanka ah askarta iyo saraakiisha DF-ka ayaa maalmihii lasoo dhaafay kusoo badanayay Muqdisho.



Warar lagu kalsoonyahay waxay  sheegayaan in qaraxa uu si dirqi ah uga badbaaday Jeneraal Katirsan melleteriga Dowladda Federaalka oo magaciisa lagusoo gaabiyay Aadan Laba Afle.

Deegaanka Weydoow ayaa katirsan degmada Hodon waxaana koontarool ku leh ciidamo isugu jira Boolis iyo Nabad sugid balse ciidamadaas kuma guuleysan in ay baajiraan weerarada xarakada.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items