Maxkamadda Melleteriga Lubnaan Oo Xukun Dil Ah Ku Ridday Sheekh Axmed Al-asiir.

Sunday October 01, 2017 - 14:44:46 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxkamadda Melleteriga Lubnaan Oo Xukun Dil Ah Ku Ridday Sheekh Axmed Al-asiir.

    Maxkamad Melleteri oo kutaal Wadanka Lubnaan ayaa xukunno adag ku ridday rag salafiyiin ah oo caan ka ah mandiqadda Shaam arrinkaas oo caro ka dhax dhaliyay bulshada dhaxdeeda.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sheekh Axmed iyo Fadli Shaakir oo wada fadhiya
Maxkamad Melleteri oo kutaal Wadanka Lubnaan ayaa xukunno adag ku ridday rag salafiyiin ah oo caan ka ah mandiqadda Shaam arrinkaas oo caro ka dhax dhaliyay bulshada dhaxdeeda.

Dowladda dabadhilifka ah ee wadanka Lubnaan waxay sheegtay in ay taageersantahay xukunka ay ridday maxkamadda Melleterig ee wadankaas, xukunnada oo ah kuwa adag waxaa lagu riday Sheekh Axmed Al-asiir oo kamid ah culimada muslimiinta sunniga wadanka Lubnaan iyo Fadli Shaakir oo kamid ahaa ardayda sheekha.

Fadhiga Maxkamadda oo boqolaal qof ay xaadir ku ahaayeen ayuu qaadigii maxkmadda fadhiyay ku dhawaaqay in xukun dil ah uu mutaysan doono Sheekh Axmed Al-asiir oo lagu eedeeyay dambiyada waxa loogu yeero Argagaxisada halka Faldi Shaakir oo horay u ahaa Fanaan lagu xukumay 15 sanadood oo xarig ah.


Dowladda Lubnaan ayaa sheikh Axmed Al-asiir ku eedaysay in uu abaabulay weeraro ay xoogag salafiyiin ah ka fuliyeen magaalada Seyda ee Koonfurta Lubnaan halkaas oo lagu dilay 18 askari oo katirsan ciidamada xukuumadda iyo Maleeshiyaadka Ururka Xisbullaah.

Taageerayaasha Sheekh Axmed Al-asiir waxay dhigeen iskusoo baxyo ka dhan ah xukunka baadilka ah ee maxkamaddu ridday waxayna ku baaqeen in laga laabto xukunkaas oo aan sheekha ladilin.

Al-asiir wuxuu ahaa sheikh taageerayaal badan ku leh Lubnaan iyo Suuriya wuxuuna marwalba ku baaqi jiray in lala dagaallamo isfidinta kooxaha shiicada ah ee Lubnaan iyo Suuriya kusii xoogeysanayay wuxuu ahaa imaamkii Masjidka Bilaal ee magaalada Sayda.

Ciidamada sirdoonka Lubnaan ayaa la rumeysanyahay in ay jirdil ku sameeyeen sheekha iyo qaar kale oo kamid ah ardaydiisa.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items