Sawirro: Xildhibaannada Baarlamaanka Uganda Oo Kuraas isla dhacay Kadib Dood Kulul.

Sunday October 01, 2017 - 15:22:38 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sawirro: Xildhibaannada Baarlamaanka Uganda Oo Kuraas isla dhacay Kadib Dood Kulul.

    Telefeshinka Qaranka Wadanka Uganda ayaa baahiyay muuqaallo muujiyay xildhibaanada Baarlamaanka wadankaas oo gacmaha iskula tagaya kadib markii ay isku fahmi waayeen dood socotay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Telefeshinka Qaranka Wadanka Uganda ayaa baahiyay muuqaallo muujiyay xildhibaanada Baarlamaanka wadankaas oo gacmaha iskula tagaya kadib markii ay isku fahmi waayeen dood socotay.

Fadhigii Baarlamaanka ee maalintii Sabtida ayaa looga doodayay qodob ku saabsan in madaxweynaha Uganda Yuweri Museveni lasiiyo fursad uu markale iskusoo taagi karo doorashooyinka madaxtinimada.

Telefeshinka ayaa soo bandhigay xildhibaanada oo kuraasta isku tuuray islamarkaana marmarka qaar gacmaha iskula tegayay.

Xildhibaanada Mucaaradka ayaa sheegay in dhibaato loo geystay balse doodda ayaa lagutilmaamay middii ugu kululeed ee abid dhaxmarta baarlamaanka dalka Uganda oo lagu sheego in uu kamid yahay baarlamaanada ugu fadhiidsan qaaradda Afrika.


Baraha Bulshada ayay dadka Uganda si aad ah iskula dhaxmarayeen sawirrada banaanka soo dhigayay xildhibaanadii wadanka oo sidii carruurta oo kale dagaallamaya.

Taliska Kaligii taliska ah ee kajira wadanka Uganda ayaan ogoleyn in baarlamaanka ay soo galaan siyaasiyiin mucaaradsan taliska taasi bedelkeedna wuxuu xabsiyada kuguraa dadka dalbanaya in isbedel lagu sameeyo talada wadanka waxaana ugu dambeeyay duqii magaalada Kampala oo isagoo si toos ah Telefeshinka uga hadlaya la xiray.

 

Related Items