Dhageyso: Kalimad Cod Ah Oo laga Duubay Dagaalyahankii Fuliyay Weerarkii Naf-hurnimo Ee Deegaanka Bariire.

Monday October 02, 2017 - 07:57:16 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 1.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 2 0
  • Share via Social Media

    Dhageyso: Kalimad Cod Ah Oo laga Duubay Dagaalyahankii Fuliyay Weerarkii Naf-hurnimo Ee Deegaanka Bariire.

    Idaacada Islaamiga ah ee Andalus ayaa baahisay kalimad dardaaran ah oo uu jeediyay mid ka mid ah raggii Camaliyaatka Istish-haadiga ku daah furay weerarkii maalintii Jimcihii ka dhacay deegaanka Bariire ee gobalka Shabeelada hoose.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Idaacada Islaamiga ah ee Andalus ayaa baahisay kalimad dardaaran ah oo uu jeediyay mid ka mid ah raggii Camaliyaatka Istish-haadiga ku daah furay weerarkii maalintii Jimcihii ka dhacay deegaanka Bariire ee gobalka Shabeelada hoose.


Istish-haadigan oo lagu magacaabo Ibraahim Cabdullaah, kuna magac dheeraa (Macalimuu) ayaa isagoo hogaaminaya gaari miineysan bartanka ka istaagay xerada Maleeshiyaadka DF-ka Ee Mareykanku Tababaray, isagoo halkaas ku dilay 40 ka mid ah ciidankii uu beegsaday, wadadana u furay ciidamo dhanka lugta ah oo taabcsan Xarakada Al Shabaab.

Ibraahiim wuxuu ahaa qof deggan oo cibaada badan, carrabkiisana uu inta badan ka qoynaa xuska Alle, Wuxuuna sidoo kale joogteyn jiray Qiyaamu leylka habeenkii saqda dhexe.



Ka hor inta uusan soo haleelin guutada Istish-haadiyiinta, wuxuu ka tirsanaa ciidamada Fursaanta ee Wilaayada Islaamiga Dhexe.

Wuxuu ahaa halyeey ku jiray da’da 20-meeyada waxaana uu kasoo jeedaa ama u dhashay beesha Ansaarta ah ee Gaaljecel,isagoona kalimaddaan jeediyay daqiiqado ka hor inta uusan camaliyadda ku dhaqaaqin.

Halkan ka dhageyso Wareysiga MP3

Source: Radio Andalus

Related Items