Madaxweyne Xaaf Oo Xaalad Deg Deg Ah Kusoo Rogay Deegaanada 'Galmudug'.

Monday October 02, 2017 - 10:14:25 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Xaaf Oo Xaalad Deg Deg Ah Kusoo Rogay Deegaanada 'Galmudug'.

    War rasmi ah oo kasoo baxay hoggaamiyaha maamulka Galmudug isku magacaabay ayaa lagu sheegay in xaalad degdeg ah lagusoo rogay dhammaan deegaanada uu ka taliyo maamulkaasi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

War rasmi ah oo kasoo baxay hoggaamiyaha maamulka Galmudug isku magacaabay ayaa lagu sheegay in xaalad degdeg ah lagusoo rogay dhammaan deegaanada uu ka taliyo maamulkaasi.

Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa sheegay in iyadoo laga feejignaanayo kooxo qaswadayal ah oo burbur ladamacsan ‘Galmudug’ la go’aamiyay in muddo 3 bilood ah xaalad degdeg ah lageliyo deegaano katirsan gobollada Mudug iyo Galguduud.

Xaaf ayaa ciidamada maamulkiisa siiyay awood dheeri ah oo ay u adeegsan karaan dhinacyada siyaasad ahaan kasoo horjeedo ‘Galmudug’ kuwaas oo uu ula jeedo siyaasiyiinta ku fikirka ah dowladda Federaalka ee ku sugan magaalooyinka Cadado iyo Caabud Waaq.


Warkan kasoo yeeray Xaaf ayaa imaanaya saacado yar kadib markii uu xilka qaadis ku sameeyay Cali Gacal Casar guddoomiyihii Baarlamaanka iyo Max’med Xaashi Carrabeey oo ahaa madaxweyne ku xigeenka.

Related Items