Dadka Gobolka Catalana Ee Wadanka Spain Oo U Codeeyay in ay Noqdaan dal Ka Madax Banaan Spain.

Monday October 02, 2017 - 10:42:54 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dadka Gobolka Catalana Ee Wadanka Spain Oo U Codeeyay in ay Noqdaan dal Ka Madax Banaan Spain.

    Boqolaal qof ayaa ku dhaawacmay rabashado hareeyay mid kamida gobollada ugu waaweyn wadanka Spain uguna dhaqaalaha badan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Boqolaal qof ayaa ku dhaawacmay rabashado hareeyay mid kamida gobollada ugu waaweyn wadanka Spain uguna dhaqaalaha badan.


Wararka ka imaanaya gobolka Catalan ee gooni ugoosadka ah ayaa sheegaya in ugu yaraan 800 oo qof ay dhaawacyo soo gaareen kadib markii ay isku dhaceen ciidamada Booliska iyo dadka gooni ugoosadka taageersan kuwaas oo shalay ka qey galay codbixinta aftida lagu doonayo in gobolkaas ka madax banaanaado dalka Spain intiisa kale.

Madaxweynaha maamul goboleedka Catalan Ninka lagu magacaabo Carles Puigdemont ayaa warbaahinta u sheegay in dadka gobolkiisa ay u codeeyeen in ay noqdaan dowlad madax banaan wuxuuna ciidamada Booliska dowladda Spain ku eedeeyay in ay si xun ula dhaqmeen dadkii aftida ka qeyb qaadanayay.


Kumanaan katirsan ciidanka Booliska Spain ayaa dadka xoog u adeegsanayay waxaana la arkayay ciidamada oo burburinaya sanaadiiqda cod bixinta.

Maxkamadda sare ee Spain ayaa laashay Aftida madax banaanida Catalana halka dowladdu ay ku tilmaamtay mid sharci darra ah oo aan waafaqsanayn dastuurka wadanka udegsan.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in 40% ay aftida ka qeyb galeen islamarkaana 90% ucodeeyeen in Catalana ay noqoto dal madax banaan, Ururka Midowga Yurub oo ay xubin firfircoon ka tahay Spain ayaan wax war ah ka dhihin caburinta lagu sameeyay shacabka Catalana.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items