Update: 58 Qof American Ah Oo Lagu Dilay Toogasho Ka Dhacday Magaalada Las Vegas.

Monday October 02, 2017 - 20:48:00 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Update: 58 Qof American Ah Oo Lagu Dilay Toogasho Ka Dhacday Magaalada Las Vegas.

    Booliska Mareykanka ayaa sheegay in Tobaneeyo Qof ayaa ku dhinteen Toogasho Ka Dhacday Magaalada Las Vegas.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Booliska Mareykanka ayaa sheegay in Tobaneeyo Qof ayaa ku dhinteen Toogasho Ka Dhacday Magaalada Las Vegas.



Ugu yaraan 58 qof American ah ayaa dhimatay tobaneeyo kalane dhaawacyo ayaa soo gaaray kadib toogasho ka dhacday magaalada Las Vegas oo kamid ah magaalooyinka ugu ganacsiga badan wadanka Mareykanka.

Booliska Dowladda Mareykanka ayaa sheegay in ruux hubeysan uu weerar ku qaaday dhisme xilligaas ay ka socotay xaflad muusik ah ayna ku sugnaayeen ku dhawaad 30-kun oo qof, rasaas xooggan ayaa laga maqlay dabaqa 32-aad ee Hotelka Mandalay Bay oo ah halka dadka badan lagu laayay.



Qof Goob jooge ah ayaa sheegay in uu arkay Meydadka 20 qof oo hoolka shirarka Hoteelka Daadsan iyo dad dhaawacyo ah oo ku qeylinayay Nabad Badaadiya..Nabadbaadiya, kumanaan katirsan ciidamada SWAT-ka loo yaqaan ayaa isku gedaamayay dhismaha toogashadu ka socoto.

Warbaahinta Mareykanka ayaa baahisay muuqaal muujinayay rasaas ku dhacaysa dadkii ku sugnaa xafladda waxaana dhaawacyada toogashada Las Vegas lagu qiyaasay 515 qof oo qaarkood xaaladda caafimaad ay aad uliidato.

Stephen Paddock oo 64 sano jir ahaa ayaa weerarka Fuliyay waxayna dowladda Mareykanka ay sheegtay in uu ahaa Kirishtan, FBI-da Mareykanka ayaa beenisay warar warbaahintu isla dhax qaadday oo sheegayay in Fuliyaha weerarka uu ahaa Muslim, FBI waxay xajiijinaysaa in weerarkan uusan wax xiriir ah la leeyahay kooxaha Jihaadiyiinta ee caalamka ka dagaallama.

Mid kamida saraakiisha Booliska ayaa sheegay in lala'yahay haweenay la socotay Ninka toogashada geystay  taas oo la rumeysanyahay in ay wax ka ogeed weerarka, Donald Trump oo isna warbaahinta lahadlay ayaa wixii ka dhacay Las Vegas ku tilmaamay weerar cabsi iyo argagax badan.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in Ninkii weerarka Fuliyay uu isdilay kadib markii uu laayay Tobaneeyo qof oo ku sugnaa goob lagu caweeyo, dadkii weerarkan ka badbaaday ayaa sheegay in ay usoo joogeen saacado naxdin iyo walbahaar badan.

Saraakiisha Booliska ayaa saadaalinaya in dhimashadu gaari karto 70 qof, Ururka  alqaacidda garabka Yemen ayaa filim uu soo saaray sanaddii 2014 wuxuu taageerayaasha Mujaahidiinta ugu baaqay in weeraro hor leh ay ku qaadaan magaalooyinka waaweyn ee Mareykanka iyo muwaadiniintiisa.

Toogashooyin sanad walba ka dhaca gudaha wadanka Mareykanka ayaa gallaafta nolosha boqolaal qof, Hoggaamiyihii Hore ee aqalka Cad Brack Obama ayaa ku fashilmay xadeynta Hubka gacanta ugu jira dadka Mareykanka arrinkaas ayaana la rumeysanyahay in uu gacan siinayo shakhsiyaadka weerarada geysta.

Related Items