Maamulka 'Somaliland' Oo Walaac Ka Muujiyay Saldhigga Melleteri Ee Turkigu Ka Furtay Muqdisho.

Tuesday October 03, 2017 - 10:46:40 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maamulka 'Somaliland' Oo Walaac Ka Muujiyay Saldhigga Melleteri Ee Turkigu Ka Furtay Muqdisho.

    Maamulka isku magacaabay Somaliland ayaa si kulul uga hadlay saldhigga melleteri ee dowladda Turkiga ka furatay magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maamulka isku magacaabay Somaliland ayaa si kulul uga hadlay saldhigga melleteri ee dowladda Turkiga ka furatay magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya.

‘Somaliland’ waxay sheegtay in saldhigga Turkiga uu dalka Soomaaliya kusoo kordhin doono dhibaato dhanka amniga ah iyo dagaal sokeeye.

Axmed Xaaji Cadami oo ku magacaaban wasiirka G/dhigga ayaa warbaahinta u sheegay in maamulka Hargeysa uu si feejigan isha ugu haayo dhaq dhaqaaqa melleteriga Turkiga ay ka wadaan magaalada Muqdisho.

"Cid walba waa u muhiim in ay taageerto meesha ay wax ka heleyso, anaga kama soo horjeedno in Soomaaliya ay heshiisyo la gasho dalalka caalamka, si loo gacan siiyo, waxaa is weydiin leh Saldhigga Milateri ee Turkiga ka furay Muqdisho ma Soomaaliya nabadgelyadeedaa looga shaqeynayaa mis waa mid Somaliland hub iyo ciidan loogu aruursanayo ”ayuu yiri Cadami.


Dadka sida dhow ula socda arrimaha Soomaaliya ayaa sheegaya in dowladaha imaaraatka Carabta iyo Turkiga ay ku loolamayaan dhaqaalaha dalka Soomaaliya taasina ay keentay in loolankooda ay kusoo kordhiyaan dhanka melleteriga.

Dowladda imaarataka Carabta ayaa la wareegtay dekadaha magaalooyinka Boosaaso iyo Berbera halka Turkigu ay gacanta ku hayaan Madaarka iyo dekada caalamiga Muqdisho, sidoo kale labada dowladood ayaa min hal saldhig ka furtay Berbera iyo Muqdisho waxaana muuqata in mustaqbalka dhow ay soomaaliya isku bedeli doonto fagaare ay dowladaha caalamka ku loolamaan.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items