Al Shabaab Oo Weeraro Ka Fulisay Saldhigyo Kuyaal Degmooyinka Yaashiid iyo Afgooye.

Tuesday October 03, 2017 - 11:20:30 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Al Shabaab Oo Weeraro Ka Fulisay Saldhigyo Kuyaal Degmooyinka Yaashiid iyo Afgooye.

    Ciidamada Xarakada Al Shabaab ayaa weli sii wada weerarada ay ku qaadayaan saldhigyada maleeshiyaadka dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku leeyihiin degmooyin iyo deegaanno katirsan Sh/Hoose.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamada Xarakada Al Shabaab ayaa weli sii wada weerarada ay ku qaadayaan saldhigyada maleeshiyaadka dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku leeyihiin degmooyin iyo deegaanno katirsan Sh/Hoose.

Wararka ka imaanaya degmada Afgooye ee Sh/Hoose ayaa sheegaya in xalay saqdii dhexe ay xoogaga Al Shabaab weeraro dhowr jiho ah ku qaadeen saldhigyo ciidamada DF-ka ku leeyihiin xaafado katirsan degmadaasi.

Weerarka oo ahaa mid culus ayaa sababay dhimashada ugu yaraan 3 askari sida ay sheegeen dadka deegaanka, ciidamada Al Shabaab ayaa gacanta ku dhigay mooto iyo lacago shilin soomaali ah oo ciidanka DF-ka ku heysteen mid kamida koontaroollada magaalada laga maamulo.


Dhinaca kale weeraro loo adeegsaday Bambaanooyin nuuca gacanta laga tuura ah ayaa lagu qaaday xarunta degmada Yaaqshiid iyo laanta degmada oo kutaal xaafadda Towfiiq, jugta qaraxyada ayaa laga maqlay xaafado katirsan degmada.

Qaraxyada kadib ayay ciidamo boolis ah oo ilaalo ka hayay xarumaha la weeraray waxay fureen rasaas xooggan balse lama oga khasaaraha ka dhashay weerarada.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items