G/lle Katirsan Melleteriga DF-ka Oo Lagu Dilay Degmada Wadajir.

Tuesday October 03, 2017 - 19:31:31 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    G/lle Katirsan Melleteriga DF-ka Oo Lagu Dilay Degmada Wadajir.

    Xarakada Al-shabaab ayaa sheegatay mas'uuliyadda weerar lagu dilay sarkaal ka tirsan DFS, Iyadoona sheegtay in sarkaal gaashaanle sare ah ay ku beegsatay degmada wadajir ee magaalada Muqdisho

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

sawir tusaale ah
Xarakada Al-shabaab ayaa sheegatay mas'uuliyadda weerar lagu dilay sarkaal ka tirsan DFS, Iyadoona sheegtay in sarkaal gaashaanle sare ah ay ku beegsatay degmada wadajir ee magaalada Muqdisho


Kooxo hubeysan ayaa agagaarka xaafadda Siliga American-ka ee degmada Wadajir ku khaarijiyey gaashaanle sare Maxamed Yare oo ka mid ahaa Saraakiisha military ee DFS.

Goobjoogeyaal ayaa noo sheegay in ragga hubeysan ee weerarka fuliyey ay si nabadgalyo ah kaga baxsadeen goobta, mana jirin wax gurmad ah oo soo gaaray goobta xilligii uu weerarku dhacayey.

Dhinaca kale weerar loo adeegsaday Bambaanooyin ayaa caawa Fiidkii lagu qaaday ciidamo ku sugnaa isgoyska Ex.Control Afgooye ee duleedka magaalada Muqdisho.


Weeraradan ayaa imaanaya xilli ammaanka  gobolka Banaadir uu sii xumaanayey dhowrkii maalmood ee ugu dambeeyey, toogasho isbuucii lasoo dhaafay ka dhacday degmada Xamar Weyne ayaa sababtay in xilalkii ay hayeen laga qaado Taliyaal katirsan Booliska iyo Nabad Sugidda DF-ka.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items