Jowllaani Oo Noqday Hoggaamiyaha Cusub Ee Hay'adda Xureynta Shaam.

Wednesday October 04, 2017 - 10:30:40 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Jowllaani Oo Noqday Hoggaamiyaha Cusub Ee Hay'adda Xureynta Shaam.

    War rasmi ah oo kasoo baxay Hoggaanka Sare ee Hay'adda Xureynta Shaam ayaa lagu sheegay in isbedel dhanka maamulka ah lagu sameeyay Hay'adda.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

War rasmi ah oo kasoo baxay Hoggaanka Sare ee Hay'adda Xureynta Shaam ayaa lagu sheegay in isbedel dhanka maamulka ah lagu sameeyay Hay'adda.

Sheekh Abii Muxamed Al Jowlaani oo horay usoo noqday Amiirkii Jabhadda Alnusrah ayaa markale noqday hoggaamiyaha Hay'adda Xureynta Shaam wuxuuna bedelay Sheekh Jaabir oo muddo bila ah ku hoggaaminayay hay'adda.

War qoraal ah oo Jabhaddu ku faafisay baraha Internetka ayay ku sheegtay in la aqbalay iscasilaad uu ku dhaqaaqay Sheekh Jaabir waxaana booskii  uu baneeyay lagu bedelay Jowllaani, sidoo kale mas'uulka dhanka sharciga uqaabilsan hay’adda ayaa loo magacaabay Sheekh Jaabir.


Ragga Firfircoon ee soo tabiya dagaalka Suuriya waxay sheegayaan in isbedelkan uu yimid xilli marxalad cusub uu geli doono loolanka dagaal ee kajira gobolka Idlib ee waqooyiga wadankaas oo lafilayo in faragelin melleteri ay ku sameyso dowladda Turkiga, idlib waxaa intiisa badan gacanta ku heysa Hay'adda Xureynta Shaam ee kujirta Liiska waxa Argagaxisada loogu yeero.

Jowlaani oo ah khabiir melleteri ayaa laga yaabaa in uu dib boorka uga jafo dagaalyahanaddii jihaadiyiinta ahaa ee ay isku xumaadeen markii uu awood qeybsiga lagalay qaar kamid ah kooxaha mucaaradka islaamiga Suuriya ee aan ku sumadeysnayn liiska waxa loogu yeero Argagaxisada islamarkaana uu ku dhawaaqay in  Jabhaddii Al Nusrah ay jartay xiriirkii ay lalaheyd Ururka Alqaacidda.


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items