Xaaf "Aniga Ayaa Ah Madaxweynaha Sharciga Ah Ee Galmudug Mana Jirto Maxkamad Sare oo Halkan Ka Shaqeysa".

Wednesday October 04, 2017 - 11:47:29 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xaaf "Aniga Ayaa Ah Madaxweynaha Sharciga Ah Ee Galmudug Mana Jirto Maxkamad Sare oo Halkan Ka Shaqeysa".

    Waxaa meel xun gaaray ismari waaga u dhaxeeya madaxda maamulka isku magacaabay 'Galmudug' ee kajira bartamaha dalka Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa meel xun gaaray ismari waaga u dhaxeeya madaxda maamulka isku magacaabay 'Galmudug' ee kajira bartamaha dalka Soomaaliya.

Warqad qoraal ah oo shalay kasoo baxay guddoomiyaha maxkamadda sare ee Galmudg ayaa sharci ka dhigaysay dhammaan xilka qaadistii ka dhacday magaalada Cadaado waxayna ku baaqaysay in doorashooyin degdeg ah la qabto.

Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo ka jawaabay warka kasoo baxay Maxkamadda sare ayaa sheegay in aanay jirin maxkamad shaqeysa oo kajirta ‘Galmudug’ wuxuuna markale xaqiijiyay in uu yahay madaxweynaha saxda ah.

"Waxaan shacabka Galmudug u sheegayaa in halkan aysan kajirin maxkamad sare warka warbaahinta lagu faafiyayna uu yahay mid been ah, wali aniga ayaa ah madaxweyne arrintani waxay qeyb ka tahay qorshe ay dowladda dhexe ku doonayso burburinta Galmudug” ayuu yiri Xaaf.


Maxkamadda Sare ee Galmudug ayaa taageertay xilka qaadistii lagu sameeyay guddoomiyaha baarlamaanka iyo madaxweyne ku xigeenka iyo sidoo kale xilka qaadistii ay xildhibaano baarlamaanka katirsan ku sameeyeen Xaaf.

Siyaasiyiin ku sugan magaalada Cadaado ayaa soo sheegay in ay socdaan shirar iskasoo horjeeda oo ay wadaan xildhibaano iyo odayaal dhaqameedyo, qorshihii dowladda Federaalka ay awood uga saadsanaysay gudaha maamulka ‘Galmudug’ ayaa si gaabis ah ku socda kadib markii xabsi guri laga dhigay siyaasiyiintii arrinkaasi fududeynayay.

Related Items