Gaari Gaashaaman Oo Ciidanka Burundi Looga Gubay Deegaanka Cali Fooldheere Ee Sh/Dhexe.

Wednesday October 04, 2017 - 20:09:51 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gaari Gaashaaman Oo Ciidanka Burundi Looga Gubay Deegaanka Cali Fooldheere Ee Sh/Dhexe.

    Khasaara lixaad leh ayaa ka dhashay qaraxyo ciidamada shisheeyaha AMISOM lagula eegtay deegaan katirsan gobolka Sh/dhexe.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Khasaara lixaad leh ayaa ka dhashay qaraxyo ciidamada shisheeyaha AMISOM lagula eegtay deegaan katirsan gobolka Sh/dhexe.

Wararka ka imaanaya duleedka degmada Mahadaay ayaa sheegaya in laba qarax lala helay kolonyo katirsan ciidamada Burundi xilli ay ku socdaalayeen wadada xiriirisa Cali Fooldheere iyo Mahadaay.

Dad ku sugan Sh/Dhexe ayaa SomaliMeMo khadka taleefanka ugu sheegay in gaari Taaw ah uu ku gubtay mid kamida qaraxyada lala helay kolonyada Burundi.

Qaac iyo uura madoow ayaa cirka isku shareeray goobta qaraxyadu ka dhaceen, dhimasho iyo dhaawac ayaa la xaqiijiyay in ciidanka Burundi uu kasoo gaaray qaraxyadii maanta gelinkii dambe lagula eegtay Sh/dhexe.

 


Wararka ayaa intaasi ku daraya in markii qaraxyadu dhaceen kadib ay muddo saacada ah ciidamada Burundi ku sugnaayeen goobta lagu weeraray waxayna ku guul darreysteen in ay jiitaan gaarigii laga gubay oo la sheegay in weli uu goobta yaal.

Qaraxyada wadada hareeraheeda lagu aaso ayaa halakeeyay isku socodka gaadiidka ciidamada AMISOM ee saadka ciidan isaga kala gudbiyo saldhigyo ay ku leeyihiin deegaanno katirsan Gobolka Sh/dhexe.

Ciidamada Burundi ee duullaanka ku jooga dalka Soomaaliya badankood waxay ka dagaallamayaan Sh/dhexe, ciidamada Xarakada Al Shabaab ayaa dagaal adag kula jira ciidamadan iyagoo u diiday in ay dhaq dhaqaaqyo melleteri sameeyaan.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

[email protected]

Related Items