3 Askari Mareykan Ah Oo Lagu Dilay Wadanka Niger.

Thursday October 05, 2017 - 10:55:20 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    3 Askari Mareykan Ah Oo Lagu Dilay Wadanka Niger.

    Weerar khasaara badan lagu gaarsiiyay ciidamo Mareykan ah ayaa ka dhacay mid kamida wadamada dhaca galbeedka qaaradda Afrika.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Weerar khasaara badan lagu gaarsiiyay ciidamo Mareykan ah ayaa ka dhacay mid kamida wadamada dhaca galbeedka qaaradda Afrika.

Wararka ka imaanaya wadanka Niger ayaa sheegaya in weerar hubeysan oo ay fuliyeen dagaalyahanno Katirsan Al Qaacidda uu ka dhacay deegaan kulaala xuduudda ay wadaagaan Mali iyo Niger waxaana weerarka lala beegsaday ciidamo Mareykan iyo Niger ah.

Ilo wareedyo ayaa u sheegay Telefeshinka Afka Carabiga ku hadlay ee Al Jazeera in weerar dhabagal ah uu qabsaday kolonyo ciidamo Huwan ah oo xilligaas ku socdaalayay deegaanno xadbeenaadka kulaala, "sedax askari American ah iyo 5 Askari oo katirsan melleteriga Naiger ayaa lagu dilay weerar ay kooxo Argagaxisa ah ka fuliyeen xuduudda” sidaas waxaa yiri mas’uul diiday in magaciisa la adeegsado.


Shabakadda Sahara Media ee laga leeyahay wadanka Muritaaniya ayaa sheegtay in ciidamada Mareykanka ah ee weerarka lagu qaaday ay isku dayayeen in ay baacsadaan xoogag Jihaadiyiin ah oo maalintii Talaadada weeraray saldhig Melleteri oo kuyaal Galbeedka wadanka Niger.

Iilo wareed maxalli ah wuxuu sheegay in ciidamada Mareykanka ah ee la weeraray ay baadi goobayeen xoogag hubeysan oo waqti hore weerar ku qaaday saldhig melleteri oo ciidanka Niger lahaayeen kadibna baxsaday ka hor intii aysan dib usoo laabanay oo aysan weerar u dhigin ciidanka.

Dhinaca kale taliska Taliska ciidanka Mareykanka ee qaaradda Afrika ayaa xaqiijiyay in weerar khasaara dhaliyay lagu qaaday ciidamadooda balse ma sheegin tirada rasmiga ah ee weerarka looga dilay.

illaa iyo hadda Majirto cid sheegatay Mas'uuliyadda Weerarka balse waxaa lagu tuhmayaa Ururka Al Qaacidda Ee Maqribul islaami kaasi oo ku xooggan galbeedka qaaradda Afrika wuxuuna bilihii lasoo dhaafay weeraro ka fulinayay wadamo ay kamid yihiin Burkino Faso, Maali iyo Ivery Coast.


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items