Dhaq Dhaqaaqii Ganacsiga Suuq Bacaad Oo Hakad Kujira iyo Ciidamo Baaritaanno Wada.

Thursday October 05, 2017 - 11:12:24 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhaq Dhaqaaqii Ganacsiga Suuq Bacaad Oo Hakad Kujira iyo Ciidamo Baaritaanno Wada.

    Boqolaal katirsan ciidamada Dowladad Federaalka Soomaaliya ayaa saaka aroortii hore lagusoo daadiyay xaafadda Suuq Bacaad ee magaalada Muqdisho oo uu kuyaal suuqa 2-aad ee ugu weyn Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Boqolaal katirsan ciidamada Dowladad Federaalka Soomaaliya ayaa saaka aroortii hore lagusoo daadiyay xaafadda Suuq Bacaad ee magaalada Muqdisho oo uu kuyaal suuqa 2-aad ee ugu weyn Muqdisho.

Ciidamada ayaa amar ku bixiyay in laxiro dhammaan goobaha ganacsiga Suuqa waxaana hakad kujira dhaq dhaqaaqa dadweynaha ee inta badan degmada Yaaqshiid.

Xarumaha waaweyn ee ganacsiga sida shirkadaha isgaarsiinta, Xawaaladaha iyo Bankiyada ayaa qufulan halka qeybaha kala duwan ee Suuq Bacaad ay haawanayaan mana jiraan wax dhaq dhaqaaq ah oo halkaas kajira.

Ciidamada ayaa ganacsatada ka celinaya in ay gudaha ugalaan suuqa si ay hantidooda u ilaashadaan waxaana laga cabsi qabaa in falal gacma gacmeysi ah ay ciidamadu kula dhaqaaqaan goobaha ganacsiga.


Mid kamida ganacsatada Suuq Bacaad ayaa warbaahinta u sheegay in xaalad kacsanaan ah kajirto deegaanka islamarkaana ay ka baqayaan in ladhaco hantidooda.

Maamulka degmada Yaaqshiid ayaa howlgalladan qarbudaadda ah ee ka socda Suuqa Bacaad sabab uga dhigay baaritaan lagu sugayo amniga islamarkaana lagusoo qabanayo wax uu ugu yeeray Nabad diid shalay sarkaal ku dilay gudaha Suuqa.

Kumanaan qof oo ka xoogsan jiray Suuq Bacaad ayay shaqa la’aan lasoo daristay sida xamaalatada iyo dhalinyarada kabaha caseeya oo noloshoodu ku tiirsaneed waxa ay maalin walba ka shaqeystaan gudaha suuqa.


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items