Safiirkii Mareykanka Ee Soomaaliya Oo iska Casilay Shaqadii Uu Hayay.

Saturday October 07, 2017 - 08:24:18 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Safiirkii Mareykanka Ee Soomaaliya Oo iska Casilay Shaqadii Uu Hayay.

    Diblumaasigii ugu sarreeyay ee dowladda Mareykanka uqaabilsanaa arrimaha Soomaaliya ayaa si lama filaan ah isku casilay xilli Mareykanku uu xoojiyay faragelinta uu ku haayo dalka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Diblumaasigii ugu sarreeyay ee dowladda Mareykanka uqaabilsanaa arrimaha Soomaaliya ayaa si lama filaan ah isku casilay xilli Mareykanku uu xoojiyay faragelinta uu ku haayo dalka.

Stephen Schwartz oo Noqday safiirkii ugu horreeyay ee Washington usoo magacaawday Soomaaliya 25 sanadood kadib ayaa ku dhawaaqay in uu shaqada isaga tagay balse faah faahin dheeri ah kama bixin sababta uu isku casilay marka laga reebo in uu yiri "arrimo iigaar ah ayaan isku casilay’.

Bishii June,2016 ayuu Brack Obama soo magacaabay safiirka iscasilay wuxuuna xilligaas taageera ka helay Xasan Gurguurte hoggaamiyihii hore ee dowladda Federaalka, iscasilidda Stephen Schwartz ayaa imaanaya xilli ciidamada Mareykanka ay si toos ah ugu lug leeyihiin dagaalka ka dhanka ah Shabaabul Mujaahidiin ee Soomaaliya ka socda.


Tan iyo markii uu xilka madaxtinimada Mareykanka qabtay Donald Trump waxaa iscasilaad ku dhawaaqay saraakiil amni,safiirro iyo lataliyaal ku sugnaa aqalka cad kuwaas oo ka sheeganayay qalafsanaanta siyaasadda Trump.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items