Shil Gaari Oo Ka Dhacay Duleedka Magaalada Beledweyne.

Saturday October 07, 2017 - 08:34:05 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shil Gaari Oo Ka Dhacay Duleedka Magaalada Beledweyne.

    Wararka ka imaanaya magaalada Beled Weyne ee xarunta gobalka Hiiraan waxey sheegayaan in duleedka magaaladaasi uu ka dhacay shil gaari oo sababay khasaara nafeet iyo mid hantiyadeed.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya magaalada Beled Weyne ee xarunta gobalka Hiiraan waxey sheegayaan in duleedka magaaladaasi uu ka dhacay shil gaari oo sababay khasaara nafeet iyo mid hantiyadeed.


Shilkan oo ka dhacay deegaan lagu magacaabo Holi-moog oo ka mid ah deegaanada dhaca duleedka Beledweyne ayaa yimid kadib markii ay isku dhaceen Labo gaari oo kala ah gaari Xamuul ah iyo gaari nooca raaxada ah.

Inta la xaqiijiyay Shilkan gaari waxaa ku dhintay Hal ruux Labo kalane weey ku dhaawacmeen kuwaasi oo la dhigay isbitaalka Beledweyne waxeyna warar la helayo sheegayaan in dhaawacooda aad u culusyahay.

Burbur waddooyinka ka jira iyo darawlada oo si xowli ah ku wada gaadiidka ayaa sabab looga dhigayaa soo laablaabashada shilalka gaari ee sababa khasaaraha nafeet iyo midka hantiyadeed.

Related Items