Ciidamada itoobiya Oo Lagu Weeraray Deegaanno Katirsan Gobolka Bakool.

Saturday October 07, 2017 - 12:03:27 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamada itoobiya Oo Lagu Weeraray Deegaanno Katirsan Gobolka Bakool.

    Khasaara xooggan ayaa ciidamada Xabashida Itoobiya kasoo gaaray qaraxyo iyo iska hor'imaadyo ka dhacay deegaan katirsan gobolka Bakool ee dhaca Koonfur galbeed dalka Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Khasaara xooggan ayaa ciidamada Xabashida Itoobiya kasoo gaaray qaraxyo iyo iska hor'imaadyo ka dhacay deegaan katirsan gobolka Bakool ee dhaca Koonfur galbeed dalka Soomaaliya.

Wararka ka imaanaya degmada Waajid ayaa sheegaya in iska hor’imaadyo xooggan ay ka dhaceen duleedka deegaanka Buurdhuxulle, dagaallada ayaa yimid kadib markii ay ciidamada Xarakada Al Shabaab weerar dhabagal ah u dhigeen kolonyo ciidamo Itoobiyaan ah oo maalin ka hor kasoo gudbay xuduud beenaadka.

Qarax xooggan ayaa qabsaday ciidamo Miina Baaris ah kadibna waxaa xigay weerar fool ka fool ah, dad ku sugan deegaanka Eldheere ayaa sheegay in ay maqlayeen jugta madaafiicda iyo rasaas xooggan oo lays dhaafsanayay.


Wariye Cali Yare oo ku sugan gobollada Bay iyo Bakool ayaa soo sheegay in saraakiil Miina Baarayaal Itoobiyaan ah lagu dilay qaraxa isagoona xaqiijiyay in weeraro dhabagal ah ay lakulmeen ciidamada Xabashida Itoobiya.

isgaarsiinta degmooyin katirsan gobolka Bakool ayaa hawada ka maqneed maalmihii khamiista iyo jimcaha waxaana socday dhaq dhaqaaq ay ciidamada Itoobiya sahay ugasoo gelbisanayaan deegaanada kulaala xuduud beenaadyada.

Ciidamada Al Shabaab ay hareereyn adag kusoo rogay magaalooyin katirsan Bay iyo Bakool oo ay xoog ku joogaan ciidamada Itoobiya sida Xudur iyo Waajid taasi oo Itoobiyaanka ku qasabtay in si dhib badan ay saad ugasoo gudbistaan gudaha Itoobiya.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items