Melleteriga Turkiga Oo Howlgal Cusub ka Bilaabay Gobolka Idlib Ee Waqooyiga Suuriya.

Saturday October 07, 2017 - 15:36:08 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 1.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Melleteriga Turkiga Oo Howlgal Cusub ka Bilaabay Gobolka Idlib Ee Waqooyiga Suuriya.

    Sida ay sheegeen dad goob joogayaal ah boqolaal katirsan ciidamada Melleteriga Turkiga ayaa billaabay faragelin melleteri oo ay ku sameeyaan mid kamida gobollada ugu muhiimsan waqooyiga wadanka Suuriya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sida ay sheegeen dad goob joogayaal ah boqolaal katirsan ciidamada Melleteriga Turkiga ayaa billaabay faragelin melleteri oo ay ku sameeyaan mid kamida gobollada ugu muhiimsan waqooyiga wadanka Suuriya.

Wararka ka imaanaya gobolka Idlib waxay sheegayaan in melleteriga Turkiga ay bilaabeen burburinta darbiga kala qeybiya xuduud beenaadka gaar ahaan gobolka Idlib waxayna gogol xaar u yihiin howlgal melleteri oo maleeshiyadka Jeyshka Xurka ah ka fulinayaan Idlib.

Goob joogayaal ayaa sheegay in ciidamada Turkiga oo wata gaadiidka gaashaaman iyo Baldoosarro ay burburin ka wadaan Tuulada Kafra Loosiin ee xuduud beenaadka ku teedsan.

Madaxweynaha Turkiga Erdogaan ayaa isna xaqiijiyay in ciidamadiisa iyo kuwa mucaaradka Suuriya ay bilaabayaan howlgal uu sheegay in lagu xasilinayo gobolka Idlib, xoogaga Jihaadiga hay’adda Xureynta Shaam ayaa maamula inta badan gobolka Idlib waxayna mas’uuliyiinta hay’adda dhowr mar sheegeen in aysan ogoleyn faragelin shisheeye oo Suuriya lagu sameeyo.


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items