Weerar Gaari Looga Gubay Ciidamada Uganda Oo Ka Dhacay Duleedka Qoryooley.

Saturday October 07, 2017 - 13:31:52 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Weerar Gaari Looga Gubay Ciidamada Uganda Oo Ka Dhacay Duleedka Qoryooley.

    Wararka ka imaanaya gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in weeraro xooggan lagu qaaday ciidamo katirsan soo duulayaasha AMISOM ee ku sugan deegaanno katirsan gobolkaasi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in weeraro xooggan lagu qaaday ciidamo katirsan soo duulayaasha AMISOM ee ku sugan deegaanno katirsan gobolkaasi.

Xoogag katirsan Xarakada Al Shabaab ayaa weerar culus ku qaaday ciidamo katirsan dowlada Uganda xilli ay ku socdaalayeen duleedka Degmada Qoryooley oo uu maro wabiga shabelle.

Ugu yaraan hal gaari oo nuuca gaashaaman ah ayaa ku gubtay weerar loo adeegsaday gantallada garbaha laga gemo oo lagu qaaday kolonyo gaadiid ah sida ay sheegeen dadka deegaanka.

Dhinaca kale weerar xooggan ayaa xalay lagu qaaday saldhigyo melleteri oo dhinacyo cadaw ah ku leeyihiin deegaanka NO.60, Al Shabaab ayaa sare uqaadday dagaalka ay kula jirto ciidamada shisheeye ee duullaanka kusoo qaaday dalka Soomaaliya.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items