Weeraro Bambaano oo Ka Dhacay Saldhigga Kaaraan iyo isgoyska KM5.

Sunday October 08, 2017 - 09:33:32 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Weeraro Bambaano oo Ka Dhacay Saldhigga Kaaraan iyo isgoyska KM5.

    Weerarada ka dhanka ah askarta iyo saraakiisha dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa kusii xoogeysanaya degmooyinka gobolka Banaadir.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Weerarada ka dhanka ah askarta iyo saraakiisha dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa kusii xoogeysanaya degmooyinka gobolka Banaadir.

Xalay Fiidkii ayay xoogag hubeysan weerar loo adeegsaday Bambaanooyin ku qaadeen isku imaatin ciidamada loogu magac daray ‘Xasilinta caasimadda’ ay ku lahaayeen isgoyska Banaadir.

Goob joogayaal ayaa sheegay in ay maqleen jugta qaraxyo is xigxigay oo ka dhashay weerarada lagu qaaday isgoyska Banaadir kadibna waxaa xigay rasaas ay furayeen ciidamada la weeraray, khasaara dhimasho iyo dhaawac ah ayaa la sheegay in ciidamada uu kasoo gaaray weeraradii ka dhacay KM5.


Dhinaca kale xoogag katirsan Xarakada Al Shabaab ayaa weerar xooggan ku qaaday saldhigga Booliska degmada Kaaraan ee Bariga magaalada Muqdisho, weerarada oo ahaa kuwa Bambaano ayaa lala helay ciidamo katirsan Booliska.

Taliyaha Booliska degmada Kaaraan ayaa warbaahinta u sheegay in ay jiraan weeraro lagu qaaday saldhigga Booliska degmada balse ma sheegin khasaaraha nafeed ee ka dhashay weeraradii xalay.


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items