Guddoomiyihii Baarlamaanka Itoobiya Oo Iscasilay Dowlladana Ku Eedeeyay in Ay Xasuuq Ku Heyso Oromada.

Sunday October 08, 2017 - 11:17:37 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 1.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 2
  • Share via Social Media

    Guddoomiyihii Baarlamaanka Itoobiya Oo Iscasilay Dowlladana Ku Eedeeyay in Ay Xasuuq Ku Heyso Oromada.

    Jiha wareer dhanka siyaasadda ah ayaa kajira wadanka Itoobiya kadib markii uu si lama filaan ah isku casilay guddoomiyihii baarlamaanka ahna jagada 2-aad ee wadanka ugu sarraysay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Jiha wareer dhanka siyaasadda ah ayaa kajira wadanka Itoobiya kadib markii uu si lama filaan ah isku casilay guddoomiyihii baarlamaanka ahna jagada 2-aad ee wadanka ugu sarraysay.



Wararka ka imaanaya wadanka Itoobiya ayaa sheegaya in guddoomiyihii Baarlamaanka Itoobiya uu iscasilay isagoona dowladda ku eedeeyay in ay xasuuq ku heyso qowmiyadda uu kasoo jeedo ee Oromada.


Wargeyska Addis Ababa Standard ayaa faafiyay in Abadula Gemeda uu isaga tagay shaqadii uu u hayay Taliska Tigreega ee fadhigiisu yahay magaalada Addis Ababa.

Abadula Gemeda ayaa istiqaaladiisa dhiibtay isagoo si cara leh uga hadlay xasuuqa ay ciidamada Melleteriga Itoobiya iyo maleeshiyaadka Liyuu Booliska ka wadaan gobolka Oromia ee kaabiga ku haaya magaalada caasimadda ah ee Addis Ababa.




"Ilo wareedyo ayaa sheegaya in Abadula Gemeda uu istiqaaladiisa u dhiibay dowladda Federaaliga Itoobiya isagoo ka cabanaya, xasuuqa iyo gabood fallada ay ciidamada Melleteriga iyo kuwa ammaanka ay ka wadaan gobolka Oromia gacan ka hadalkaas oo sababay in ay barakacaan dad ka badan 150-kun oo qof” sidaas waxaa faafiyay wargeyska Addis Ababa Standard.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in kacdoonada ka socda gobollada Oromia iyo Amhara uu sababay kala qeybsanaan aan horay loo arag oo soo kala dhaxgashay xildhibaanada golaha baarlamaanka iyo wasiirrada arrinkaas oo keenay in habacsanaan ay soo wajahdo dowladda Federaaliga Itoobiya.

Waxaa guul darreystay dadaallo uu wasiirka Gaashaandhigga Itoobiya ku doonayay in guddoomiyaha Baarlamaanka ku qanciyo ka joogsashada iscasiladda, inta badan xildhibaanada Baarlamaanka Itoobiya ee kasoo jeeda qowmiyadda Oromada ayaa dibad joog ka ah kulamada joogtada ah ee ka dhaca magaalada Addis Ababa.

Tani waa kala qeybsanaantii ugu horraysay ee dhanka siyaasadda ah ee uu reebo kacdoonka shacbiga Itoobiya, hay’adaha xuquuqul inshaanka sheegta ayaa dowladda Itoobiya ku eedeeyay in awood xad dhaaf ah ay u adeegsatay dambinta kacdoonka shacbiga ah.

Dhibaatada ugu daran waxay ka jirtaa gobolka Oromia halkaas oo xukuumaddu ay udirtay maleeshiyaadka calooshood u shaqeystayaasha Soomaalida Liyuu Booliska loo yaqaan waxaana lagu eedeeyay in ay geysteen kufsi jamaaci ah iyo xasuuq aan kala sooc laheyn sida iyagoo gubay in kabadan 50 tuulo islamarkaana laayay kumanaan neef oo lo’ ah.
Aba dula a
Abadula Gemeda ayaa ahaa siyaasi ruug caddaa ah kaasi oo kasoo dhax muuqan jiray mas’uuliyiinta xukuumadda Xabashida Itoobiya, xilligii uu Males Zenawi ahaa R/wasaaraha wadanka wuxuu soo qabtay xilal kala duwan sida isagoo noqay madaxweynaha maamul goboleedka Oromia iyo wasiirka difaaca.

Falanqeeyayaasha ayaa sheegaya in guddoomiyaha baarlamaanka iscasilay uu ahaa buundo ay Tigreegu uga gudbaan itoobiya inteeda kale balse buundadaasi ay ciladowday.

Qowmiyadda Ormada oo badankeed ah muslimiin waa lagu qiyaasaa 45 milyan oo qof kuwaas oo sanadadii lasoo dhaafay wajahayay cadaadis dhan walba ah oo uga imaanaya dowladda Itoobiya, balse sanadadii dambe waxay qowmiyaddu hormuud u aheyd kacdoon isbedel doon ah oo wadanka intiisa kale ka hana qaaday.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items