Qaraxyo Khasaara Dhaliyay Oo Ka Dhacay Duleedyada Muqdisho iyo Afgooye.

Sunday October 08, 2017 - 12:29:03 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 461
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qaraxyo Khasaara Dhaliyay Oo Ka Dhacay Duleedyada Muqdisho iyo Afgooye.

    Qarax miino oo aad u xoogan ayaa barqanimadii maanta lala eegtay Koloyo ka tirsan ciidamada AMISOM oo marayay deegaanka Ceelasha biyaha ee duleedka magaalada Muqdisho, iyadoona ay soo baxayaan qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo cadowga ka soo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qarax miino oo aad u xoogan ayaa barqanimadii maanta lala eegtay Koloyo ka tirsan ciidamada AMISOM oo marayay deegaanka Ceelasha biyaha ee duleedka magaalada Muqdisho, iyadoona ay soo baxayaan qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo cadowga ka soo gaaray qaraxaasi.



Saraakiil ka tirsan Xarakada Al Shabaab ayaa Idaacadda Islaamiga Andalus u sheegay in qaraxa lala eegtay kolonyo galbineysay Zaad oo ka soo ambabaxday magaalada Muqdisho kuna sii jeeday degmada Baraawe ee Sh/hoose.

Qaraxa waxaa lagu burburiyey gaari xamuul ah oo ka mid ah kuwa Konteenarrada Xambaara kaas oo ka burburay qeybaha hore, Islamarkaana ay halkaas ku halaagsameen darawalka iyo wixii la socday, Waxaa sidoo kale dhaawacyo kala duwan uusoo gaaray Askar dhowr ah oo hareeraha ka socotay kolonyada kuwaas oo uu ka mid ahaa sarkaal Caddaan ah sida ay sheegeen saraakiil katirsan Xarakada SHM.



ilo wareedyo xog ogaal ah oo aa lahelay   ayaa sidoo kale tilmaamaya in goobta uu ka dhacay shil ka dib markii gaari si xowlli ah u socday uu ku dhacay gaariga Xamuulka ah ee la qarxiyey, islamarkaana uu ka burburay qeybaha hore.

Ciidamada shisheeyaha AMISOM  ayaa inta badan la kulma weeraro qaraxyo ah oo kaga imaanaya dhanka Al Shabaab marka ay isaga kala gudbayaan saldhigyadooda Muqdisho iyo Sh/hoose, waxaana dhiig baxa ugu badan dhadhamiyaan marka ay ku wajahan yihiin saldhigyada ka fog caasimadda sida Baraawe iyo Buula-Mareer.

Dhanka kale Qarax xoogan oo isna ahaa miinooyinka dhulka lagu aaso ayaa lala eegtay ciidamo ka tirsan DF-ka  oo marayay agagaarka tuulada Caddow Dibile ee duleedka degmada Afgooye.

Qaraxa waxaa lala eegtay gaari ay wateen maleeshiyaatkan oo ka soo ambabaxay deeegaanka Laanta Buure, kuna sii jeeday degmada Afgooye, illaa iyo hadda wax war ah kamasoo bixin DF-ka oo ku saabsan qaraxyada.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items