12 Qof Oo Katirsan Muslimiinta Rohingga Ayaa Ku Dhintay Biyaha Wadanka Banghaladesh.

Monday October 09, 2017 - 19:36:04 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    12 Qof Oo Katirsan Muslimiinta Rohingga Ayaa Ku Dhintay Biyaha Wadanka Banghaladesh.

    Maamulayaasha wadanka Banghaladesh ayaa ku dhawaaqay in tobaneeyo qof oo katirsan muslimiinta Ronhinga ay ku dhinteen xuduud beenaadka ay wadaagaan Banghaladesh iyo Boorma.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maamulayaasha wadanka Banghaladesh ayaa ku dhawaaqay in tobaneeyo qof oo katirsan muslimiinta Ronhinga ay ku dhinteen xuduud beenaadka ay wadaagaan Banghaladesh iyo Boorma.



Ugu yaraan 12 qof oo isugu jira haween iyo carruur ayaa ku dhintay Wabiga NAF ee kala qeybiya labada wadan, saraakiisha caafimaadka waxay xaqiijiyeen in dadka oo la socday doon alwaax ka sameysan ay ku hafteen biyaha wabiga.

"12 qof ayaa dhimatay kadib markii doontii ay la socdeen ay kula qallibantay wabiga NAF waxay ka yimideen dhanka Boorma waxayna kusii jeedeen dhanka Banghaladhesh” sidaas waxaa yiri mid kamida Jamciyadda Muslimiinta Boorma oo dibad joog ah.



Meydadka carruur iyo qof waayeel ah ayaa laga helay biyaha wabiga iyadoona kooxaha gurmadka ay ku howllanyihiin baadi goobidda meydadka tobanaan kale sida ay sheegeen saraakiisha Banghaladesh.

Muslimiinta Rohingga ee kasoo firxanaya wadanka Boorma ayaa wajahaya xaalado adag sida Miinooyinka ay xuduudda ku aasaan ciidamada Boorma halkaas oo boqolaal qof shacab ah ku dhimanayaan.

Wararka ka imaanaya gobolka Araakaan ee muslimiinta Boorma ku badanyihiin waxay sheegayaan in ciidamada Melleteriga iyo Booliska ay wali sii wadaan xasuuqa ka dhanka ah dadka shacabka ah taasi oo keentay in biyaha kala qeybiya Banghaladesh iyo Boorma ay ku daataan boqolaal qof shacab ah.

Dadka qaar ayaa marka ay waayaan doonyo ay isticmaalaan waxay isku tuuraan wabiga si ay uga badbaadaan gubidda iyo gowraca uga imaanaya kooxaha Buudhiyiinta mushrikiinta ah.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items