Qarax Khasaara Dhaliyay Oo Ciidanka Itoobiya Markale Lagu Beegsaday Duleedka Waajid.

Tuesday October 10, 2017 - 08:35:41 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qarax Khasaara Dhaliyay Oo Ciidanka Itoobiya Markale Lagu Beegsaday Duleedka Waajid.

    Ciidamada Xabashida Itoobiya ayaa weeraro dhiigbax ah kula kulmaya deegaanno katirsan Gobolka Bakool ee dhaca Koonfur galbeed dalka Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sawir Hore gaari Uural ah oo ciidanka Itoobiya looga gubay Gobolka Bay
Ciidamada Xabashida Itoobiya ayaa weeraro dhiigbax ah kula kulmaya deegaanno katirsan Gobolka Bakool ee dhaca Koonfur galbeed dalka Soomaaliya.

Wararka ka imaanaya degmada Waajid ayaa sheegaya in qarax xooggan lala beegsaday ciidamo Itoobiyaan ah oo ku socdaalayay deegaanka Buurdhuxulle oo kala qeybiya Waajid iyo Rabdhuurre.

Qarax xooggan ayaa qabsaday gaari Uuraal ah  kadibna waxaa xigay weerar fool ka fool ah, dad ku sugan deegaanka Buurdhuxulle ayaa sheegay in ay maqlayeen jugta madaafiicda iyo rasaas xooggan oo lays dhaafsanayay.

Ciidamada Itoobiya ayaa markii laqarxiyay u dhaqaaqay dhanka deegaanka Washaaqo halkaas oo ay ugasii gudbayaan dhulka Somaligalbeed ee  gumeysiga kujira halkaas oo isbuucii lasoo dhaafay ay kasoo gelbiyeen sahay, dadka deegaanka waxay sheegeen in goobta lagu weeraray ciidamada Itoobiya ay ku arkeen Faashado dhiig leh iyo rasaas ay ka tageen ciidanka Xabashida.


Billaawgii isbuucan ayay aheyd markii weerar iyo qarax ciidamada Itoobiya lagula beegsaday isla duleedka degmada Waajid waxaana weerarkaasi ka dhashay khasaara dhimasho iyo dhaawac ah.

Ciidamada Al Shabaab ay hareereyn adag kusoo rogay magaalooyin katirsan Bay iyo Bakool oo ay xoog ku joogaan ciidamada Itoobiya sida Xudur iyo Waajid taasi oo Itoobiyaanka ku qasabtay in si dhib badan ay saad ugasoo gudbistaan gudaha Itoobiya.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items