Radilla Odinga Oo Qaadacay Doorashada Madaxtinimada Dalka Kenya.

Tuesday October 10, 2017 - 20:42:30 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Radilla Odinga Oo Qaadacay Doorashada Madaxtinimada Dalka Kenya.

    Xiisado siyaasadeed ayaa markale lagasoo sheegayaa wadanka Kenya kadib markii hoggaamiyaasha Mucaaradka ah ay ku dhawaaqeen in ay qaadaceen doorashooyinka soo socda.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xiisado siyaasadeed ayaa markale lagasoo sheegayaa wadanka Kenya kadib markii hoggaamiyaasha Mucaaradka ah ay ku dhawaaqeen in ay qaadaceen doorashooyinka soo socda.

Railla Odinga Hoggaamiyaha Xisbiga NASA iyo ku xigeenkiisa ayaa ku dhawaaqay in ay isaga hareen doorashooyinka madaxtinimada ah ee dhici doono maalmo kadib.

Odinga ayaa dowladda Kenya iyo guddiga doorashooyinka madaxtinimada ku eedeeyay in ay wadaan musuq maasuq iyo wax isdaba marin sidaas daraadeed aysan diyaar u aheyn ka qeyb galka doorashada.

Kolonzo Masyooko oo ah madaxweyne ku xigeenkii hore ee Kenya kana Mid ah Xisbiga NASA ayaa taageerayaasha ODM ugu baaqay in ay dhigaan iskusoo baxyo.


Wuxuu sheegay in dhammaan codsiyadii ay gudbiyeen ganafka lagu dhuftay sida in labedelo qaar kamid ah saraakiisha guddiga doorashada oo lagu tuhunsanyahay in ay ugu shubayan Uhuro Kenyaatta.

Haddii qaadacaadda Mucaaradka sii socoto ayaa lafilayaa in wadanka Kenya ay ka dhacaan rabshado dhiig badan ku daato kuwaasi oo dadka dib u xusuusin kara sanaddii 2007 xilligaasi oo lagu murmay doorashadii madaxtinimada.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items