Weerar 6 Askari Lagu Dilay Oo Ka Dhacay Duleedka Degmada Balcad Ee Sh/dhexe.

Wednesday October 11, 2017 - 08:21:08 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Weerar 6 Askari Lagu Dilay Oo Ka Dhacay Duleedka Degmada Balcad Ee Sh/dhexe.

    Wararka ka imaanaya gobolka Shabeellaha dhexe ayaa sheegaya in dagaal culus uu ka dhacay deegan ku dhow degmada Balcad.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya gobolka Shabeellaha dhexe ayaa sheegaya in dagaal culus uu ka dhacay deegan ku dhow degmada Balcad.

Ciidamo aad u hubeysan oo katirsan Xarakada Al Shabaab ayaa saaka aroortii hore weerar kula jarmaaday saldhig melleteri oo ciidanka DF-ka ku lahaayeen meel ku dhow deegaanka Basra.

Dagaalka oo ahaa mid aad u xooggan ayaa sababay dhimasho iyo dhaawac soo gaartay ciidamada la weeraray, ciidamada Xarakada SHM ayay u suurtagashay in ay cagta mariyaan oo ay la wareegaan gacan ku heynta saldhiggii melleteri.

Wararka laga helayo deegaanka Basra ayaa xaqiijinaya in Al Shabaab ay dagaalkii saaka ku dileen 6 askari oo katirsan ciidanka dowladda islamarkaana ay ka furteen 6 qori oo mid kamida yahay PKM.


Dadka deegaanka ayaa sheegay in ay arkeen Meydadka ciidanka dowladda oo daadsan saldhigga melleteri oo kuyaal halka loo yaqaan kala Wareegga oo ah kala qeybibaya gobollada Sh/dhexe iyo Sh/hoose.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items