Akhri: Maamul Goboleedyada Oo Kismaayo Uga Dhawaaqay Gole Ka Dhan Ah Dowladda Federaalka.

Wednesday October 11, 2017 - 19:00:02 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Akhri: Maamul Goboleedyada Oo Kismaayo Uga Dhawaaqay Gole Ka Dhan Ah Dowladda Federaalka.

    Waxaa lasoo gaba gabeeyay shirkii magaalada Kismaayo uga socday hoggaamiyaasha maamul goboleedyada dabadhilifyada u ah Itoobiya ee ka jira dalka Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa lasoo gaba gabeeyay shirkii magaalada Kismaayo uga socday hoggaamiyaasha maamul goboleedyada dabadhilifyada u ah Itoobiya ee ka jira dalka Soomaaliya.



Shirka oo dhowr maalmood socday ayay shanta hoggaamiye goboleed ee kajira Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya waxay kasoo saareen war murtiyeed ka dhan ah dowladda Federaalka ee uu madaxda ka yahay Farmaajo.

Qodobada lagasoo saaray shirka waxaa kamid ah in maamulladu ay xiriirkii dhanka dastuurka ahaa ujareen dowladda Federaalka iyagoo eedayn kulul ujeediyay maamulka Villa Somalia.

Hoggaamiyaasha ayaa dhisay gole ay ugu magac dareen Golaha Iskaashiga dowlad goboleedyada , waxaana golahan guddoomiye looga dhigay Cabdi Wali Gaas halka ku xigeen uu noqday Max’med Waare hoggaamiyaha maamulka HirShabelle.





Related Items