Weerar Gaari Lagu Gubay oo Markale Ka Dhacay duleedka Afgooye.

Thursday October 12, 2017 - 11:09:03 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 3.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Weerar Gaari Lagu Gubay oo Markale Ka Dhacay duleedka Afgooye.

    Saldhigyo melleteri oo kuyaal deegaanka Bariire ee gobolka Sh/hoose ayaa weeraro joogta ah wali kala kulmaya ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Saldhigyo melleteri oo kuyaal deegaanka Bariire ee gobolka Sh/hoose ayaa weeraro joogta ah wali kala kulmaya ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin.

Soomaalida ee Mareykanku tababaray ayaa qarka usaaran in ay isaga tagaan deegaanka kadib weeraro soo noq noqday oo ay dagaalyahanada Al Shabaab ku qaadeen saldhigyada melleteri ee Bariire.

Wararka ka imaanaya shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in dagaal laysku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan uu ka dhacay Bariire ,iyadoona dhawaaqa rasaasta dagaalka si aad ah looga maqlayay deegaano iyo degmooyin ka tirsan gobalka Shabeelaha hoose.

Idaacada Islaamiga ah ee Andalus ee ku hadasha Afka Xarakada ayaa baahisay in dagaalkaasi lagu gubay gaari Taw ah oo ay la haayeen maleeshiyaadka  dowladda Mareykanku tababartay.



Ilo wareedyo ayaa sheegaya in khasaara dhimasho iyo dhaawac ah ay ciidamada Bangaraafta kasoo gaareen weerarka ka dhacay Bariire, dadka deegaanka waxay sheegeen in ay arkayeen gaari ku gubanaya gudaha saldhig melleteri.

Dhinaca kale dagaallo culus ayaa xalay ka dhacay deegaanka Mukayga ee degmada Afgooye kadib markii xoogag katirsan Al Shabaab ay weeraro culus ku qaadeen isbaaro ay ciidamadu halkaasi ku qaadeen.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items