Cabdi Wali Gaas "90% Dalka Waxaa Maamula Maamul Goboleedyada Waa in Dowladdu Sidaa Ogaato".

Thursday October 12, 2017 - 13:23:19 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Cabdi Wali Gaas "90% Dalka Waxaa Maamula Maamul Goboleedyada Waa in Dowladdu Sidaa Ogaato".

    Waxaa cirka iskusii shareeray khilaafka u dhaxeeya dowladda Federaalka iyo maamul goboleedyada wada shaqeynta laleh dowladaha shisheeye ee dalka kusoo duulay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa cirka iskusii shareeray khilaafka u dhaxeeya dowladda Federaalka iyo maamul goboleedyada wada shaqeynta laleh dowladaha shisheeye ee dalka kusoo duulay.

Shirkii shalay kusoo gaba gaboobay magaalada Kismaayo ee Golaha cusub ay ku dhisteen shan maamul goboleed ayaa farriin adag u dirayay maamulka Farmaajo ee fadhigiisu yahay magaalada Muqdisho.


Cabdi Wali Gaas oo ah hoggaamiyaha maamulka ‘Puntland’ ayaa warbaahinta u sheegay in inta badan dalka Soomaaliya ay gacanta ku hayaan maamul goboleedyada isagoo ku jees jeesay dowladda Federaalka kuna tilmaamay mid aan awood laheyn
 "Mas’uuliyadda dalka oo dhan xamar kuma koobna, 90% dowlad goboleedyada ayay mas’uuliyada saaran tahay, marka aad Xamar ka baxdo oo dhanka Balcad aado, marka la gaaro Hiilweyne, Hirshabelle ayaa ka mas’uul ah, markaa aado dhanka Jaziira Koofur Galbeed ayaa la galayaaay”ayuu yiri C/wali Gaas.



Sidoo kale Maamul goboleedyada ayaa sheegay in xiriirkii dhanka dastuurka ee kala dhaxeeyay dowladda Federaalka ay jareen islamarkaana ay ku baaqayaan in la qabto shirweyne lagu xaqiijinaya awood qeybsiga dhanka dhaqaalaha ah ee ka dhaxeeya maamul goboleedyada iyo dowladda Federaalka.

Dhinaca kale Xasan Cali Kheyre iyo Farmaajo oo warbaahinta la hadlay ayaa muujiyay walaaca ay ka qabaan kala qeybsanaanta dhanka siyaasadda ee soo kala dhaxgashay DF-ka iyo maamul goboleedyada.

Falanqeeyayaasha ayaa sheegaya in tan ay qeyb ka tahay mashruuca qeybi oo xukun oo gumeystaha jinsiyadaha kala duwan leh uu udejiyay shacabka Soomaaliyeed, waxay dhiseen maamullo dabadhilifyo ah oo dhaxdooda looma halka ciidamo ay ku qabsadeen magaalooyinka waaweyn.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items