Nin Gacan Ku Dhiigle Ah Oo Lagu Qisaasay Degmada Buq-Aqable Ee Gobolka Hiiraan.

Thursday October 12, 2017 - 13:45:31 in Wararka by
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Nin Gacan Ku Dhiigle Ah Oo Lagu Qisaasay Degmada Buq-Aqable Ee Gobolka Hiiraan.

    Xukunkan qisaasta Ah Oo Saaka Abaare Labadii Saac iyo Bar Subaxnimo ay fulisey Maxkamada Wilayada islamiga Hiiraan Wuxuuu Ka dhacay Fagaare Weyn Oo Kuyaalla degmada Buq-Aqablle Ee Galbeedka Hiiraan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xukunkan qisaasta Ah Oo Saaka Abaare Labadii Saac iyo Bar Subaxnimo ay fulisey Maxkamada Wilayada islamiga Hiiraan Wuxuuu Ka dhacay Fagaare Weyn Oo Kuyaalla degmada Buq-Aqablle Ee Galbeedka Hiiraan.


Guhaad Cilmi Cali Oo 25 Jir Ah Ayaa Xukunka qisaasta Ah Lagu Fuliyey Kadib Markii uu si bareer ah u dilay Wiil Lagu Magacaabi Jirey Barre Ibrahim Axmed Oo 19 sana Jir Ahaa.

Aabaha dhalay Wiilka Horey loo dilay Oo Layiraahdo Ibraahim Gadafey Ayaa Gacantiisa Ku diley Guhaad Cilmi Cali isagoo madaxa uga dhuftay Sedax Xabadood, maxkamadda ayaa aabaha wax qisaasanayay u ogolaatay in sedax Xabadood uu ku dili karo gacan ku dhiiglaha, Sida Shareecada islamku ay qabto madaama Ninka la qisaasay uu horay sedax baalooto ugu dilay Barre Ibraahim.


Ibraahim Gadafey Ayaa Horay Loogu Soo Bandhigay in uu Diyo qaato Ama Uu Iska Cafiyo Ama Uu qisaasto Hayeeshee Wuxuu qaatey go'aanka Ah in Uu qisaasto.

Ugu Horreyn Waxaa Fagaaraha Boqolaalkii Dadweyne Ee Isugu yimid Faa'iidada Ey Leedahay Fulinta Xuduud Alle  Uga Hadlay Sheekh Yuusuf Macalin Cabdi Raxmaan Oo kamid ah culimada soomaaliyeed wuxuuna ku baaqay in la taageero maamullada islaamiga ah ee dib usoo celiyay nabadda iyo ammaanka.

Intaasi Kadib Qaalliga Guud Ee Wilaayada islaamiga Hiiraan Ayaa Dadka U Bidhaamiyay Qaabka Dilkii Hore U Dhacay Sida Ehellada Wiilkaas Ugu Qanceen in Loo Qisaaso Guhaad Cilmi iyo Adillada Garsoorka Wilaayada Uu Cuskadey xukunkan.

Xarakada Al Shabaab ayaa maamullo islaami ah oo dadku ku kala badbaadeen ka hirgelisay gobollo dhaca Koonfurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]


Related Items