Wasiirkii G/dhigga Dowladda Federaalka Oo iscasilaad Ku Dhawaaqay.

Thursday October 12, 2017 - 19:43:01 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirkii G/dhigga Dowladda Federaalka Oo iscasilaad Ku Dhawaaqay.

    Waxaa iscasilaad ku dhawaaqay C/Rashiid Cabdullaahi oo ahaa wasiirkii gaashaandhigga Dowladda Federaalka ee gumeystaha la shaqeysa.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa iscasilaad ku dhawaaqay C/Rashiid Cabdullaahi oo ahaa wasiirkii gaashaandhigga Dowladda Federaalka ee gumeystaha la shaqeysa.

Wariye ku sugan Villa Somalia ayaa xaqiijiyay in Wasiirka G/dhigga uu warqadda iscasilaadda ku wareejiyay Xasan Cali Kheyre oo ku magacaaban R/wasaaraha dowladda Federaalka.

Lama oga sababta rasmiga ah ee uu isku casilay wasiirka G/dhigga balse waxay ubadantahay in ay salka ku hayso guuldarrada ay maleeshiyaadka DF-ka kala kulmeen dagaalka ay kula jiraan xarakada Al Shabaab.

Warar kale ayaa sheegaya in iscasilaadda wasiirka G/dhigga ay salka ku hayso khilaaf xooggan oo u dhaxeeya Farmaajo iyo Shariif Sakiin Hoggaamiyaha Maamulka Koonfur Galbeed oo ay isku dhowyihiin wasiirka.


Cabdi Rashiid Cabdullaahi oo muddo sanada ah u shaqeynayay hay'adaha Q.Midoobe horayna usoo noqday guddoomiyaha gobolka Bay ayaa jiha wareer kala kulmay mideynta ciidanka DF-ka iyo baajinta weerarada joogtada ah ee xarakada Al Shabaab ay ku qaadayso saldhigyada ciidamada shisheeye iyo kuwa dowladda.

Waa iscasilaadii ugu badnaa oo mar qura ay sameeyaan mas'uuliyiinta ugu sarraysa DF-ka tan iyo markii uu madaxweyne noqday Max'med Cabdullaahi Farmaajo.

Liibaan Jeexoow  Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items