Shirkadda DP WORLD ee dalka Imaaraatka Carabta Oo lagu wareejiyey dekadda Boosaaso.

Thursday October 12, 2017 - 19:24:39 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Shirkadda DP WORLD ee dalka Imaaraatka Carabta Oo lagu wareejiyey dekadda Boosaaso.

    Maamulka isku magacaabay 'Puntland' ayaa maanta si rasmi ah u wareejiyay maamulka dekadda caalamiga magaalada Boosaaso.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maamulka isku magacaabay 'Puntland' ayaa maanta si rasmi ah u wareejiyay maamulka dekadda caalamiga magaalada Boosaaso.

Munaasabad ka dhacday xarunta gobalka Bari ayaa shirkadda DP ee dowladda Imaaraatka Carabta waxaa loogu gacan geliyay dekadda Boosaaso, mas’uuliyiinta katirsan maamulka ‘Puntland’ oo madasha munaasabadda ka hadlay ayaa sheegay in ay ku faraxsanyihiin wareejinta dekadda iyagoo dowladda Federaalka ku eedeeyay Faragelin.

Shirkadda DP ee Imaaraatka Carabta ayaa horay ulasoo wareegtay dekadda Berbera sidoo kale waxay la wareegtay dekadda magaalada Casa bee Wadanka Ereteria waxayna dowladda imaaraatka doonaysaa in ay awood ballaaran ku yeelato Bariga Qaaradda Afrika.


inta badan dekadaha dalka Soomaaliya waxaa la wareegay shirkado shisheeye sida dekadda caalamiga Muqdisho iyo garoonka diyaaradaha oo ay gacanta ku hayso shirkad laga leeyahay wadanka Turkiga.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items