Sawirro: Maamulka 'Puntland' Oo Gubay Lacago Shilin Soomaali Ah Digniina Udiray Ganacsatada.

Thursday October 12, 2017 - 19:42:01 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Sawirro: Maamulka 'Puntland' Oo Gubay Lacago Shilin Soomaali Ah Digniina Udiray Ganacsatada.

    Duleedka Magaalada Boosaaso ayaa maanta lagu gubay lacago Boqolaal milyan shilin Soomaali ah oo ay lahaayeen ganacsato soomaaliyeed.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Duleedka Magaalada Boosaaso ayaa maanta lagu gubay lacago Boqolaal milyan shilin Soomaali ah oo ay lahaayeen ganacsato soomaaliyeed.

Maamulka Puntland wuxuu ku dhawaaqay in uu joojiyay dhammaan lacagaha shilin soomaaliga ee laga isticmaalo gobollada dhaca Koonfurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya.

Wasiirka maaliyadda Puntland iyo guddoomiyaha Bangiga oo ka hadlay fagaaraha lagu gubayay lacagta shilin soomaaliga ah ayaa sheegay in aysan ogolaan doonin in lacagaha looga ganacsado Koonfurta Soomaaliya lasoo geliyo Magaalooyinka waa weyn sida Garowe iyo Boosaaso.

Maamulka ‘Puntland’ wuxuu gubay lacag dhan Lix boqol oo Milyan shilin Soomaali ah kuwaas oo lagu qabtay koontaroollada Garowe iyo Boosaaso, sidoo kale lacagta lagubay waxaa kamid ah lacag duug ah oo muddo sanada ah ay dadka ku dhaqan deegaanada Puntland isticmaalayeen.


Tallaabadan ayaa ah mid guruucan oo maamulka Cabdi Wali Gaas ku kala irdheynayo ganacsatada Soomaaliyeed wuxuuna maamulkan isku dayayaa in uu ganacsatada cadaadis ku saaro qaadashada lacagaha Faalsada ah ee lagu farsameeyo warshadaha Boosaaso lacagtaas oo laga diiday Koonfurta iyo bartamaha dalka.





Related Items