Sawirro: Dabkii Ka Kacay Gobolka California Ee Dalka Mareykanka Oo Baaba' Dhaliyay.

Sunday October 15, 2017 - 20:08:48 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sawirro: Dabkii Ka Kacay Gobolka California Ee Dalka Mareykanka Oo Baaba' Dhaliyay.

    Wadanka Mareykanka waxaa lagasoo sheegayaa in uu joogsaday dab isbuucii lasoo dhaafay ka dhacay mid kamida gobollada ugu waaweyn wadankaasi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wadanka Mareykanka waxaa lagasoo sheegayaa in uu joogsaday dab isbuucii lasoo dhaafay ka dhacay mid kamida gobollada ugu waaweyn wadankaasi.

Maamulayaasha Mareykanka waxay sheegeen in lacago balaayiin dollar ah ay ku khasaartay dabka islamarkaana ay barakaceen kumanaan qof oo deganaa magaalooyinka waa weyn ee gobolka California.

Tirada dhimashada dabkii ka kacay California ayaa kor u kacday waxayna gaartay illaa 40 qof, iyada oo boqolaal kale la la'yahay ka dib lix maalmood oo gubasho ah, dabka ayaa baabi’iyay oo tirtiray aagagga baaxadsa leh ee miyiga iyo burburay gaaray boqollaal guri.

Guddoomiyaha Gobolka California Jerry Brown ayaa sheegay in dabku uu ahaa mid ka mid ah masiibooyinka ugu waaweeyn ee dalka Mareykanka soo maray gaar ahaan gobolka uu guddoomiyaha ka yahay "musiibadan oo kale dadka ku dhaqan Mareykanka waligood ma arkin gaar ahaan reer California” ayuu yiri guddoomiyaha California.


Magaaladda Santa Rosa waxay kamid aheyd magaalooyinka ugu waaweyn gobolka, magaaladan oo laheyd warshado waaweyn ayaa isku bedeshay lama degaan aan nolosha Bani’aadamka ku wanaagsaneyn kadib markii ay baaba’een dhammaan kaabayaasheedii dhaqaalaha.

Dabka ayaa kor u kacay qiiq iyo uura madoow ayaa daboolay magaalada San Francisco oo 50 mayl ujirta meesha musiibadu ka kacday.
Khasaaraha ugu daran wuxuu dabka kasoo gaaray shirkadaha soo saara gawaarida nuucyadooda kala duwan iyo warshadaha Khamriga ee ugu waaweyn wadanka Mareykanka arrinkaas oo sababay in Khamrigu qaali garoobo.

Ugu yaraan 13 warshadood oo khamriga soo saari jiray ayuu dabku Burburay deegaanka lagu magacaabo Napa, Milkiilaha warshadaha khamriga ee magaalada Santa Rosa ayaa warbaahinta u sheegay in khasaaraha ka dhashay dabka ay yihiin boqolaal Milyan oo dollar.

in kabadan 20-kun oo ah ciidamada dab damiska ayaa loo daad gureeyay gobolka California kuwaas oo la sheegay in aysan ku guulaysan daminta dabka sababa la xiriira dabeysha oo si xowlli ah ugu socday.

حرائق كاليفورنيا
رجال الإطفاء يكافحون حرائق الغابات المدمرة في كاليفورنيا
نتائج حرائق كاليفورنيا

Related Items