Afhayeenkii Wasaaradda Amniga Oo Iscasilay Eedeyn Kululna Ujeediyay Dowladda Federaalka.

Tuesday October 17, 2017 - 11:04:30 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Afhayeenkii Wasaaradda Amniga Oo Iscasilay Eedeyn Kululna Ujeediyay Dowladda Federaalka.

    Mas'uul sare oo katirsanaa wasaaradda ammaanka Dowladda Federaalka ayaa ku dhawaaqay in uu iska casilay shaqadii uu hayay xilli ammaanka caasimadda uu faraha kasii baxayo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mas'uul sare oo katirsanaa wasaaradda ammaanka Dowladda Federaalka ayaa ku dhawaaqay in uu iska casilay shaqadii uu hayay xilli ammaanka caasimadda uu faraha kasii baxayo.

Maxamuud Maxamed oo ku magac dheer (Sayid Carab) ayaa ku dhawaaqay in uu iska casilay xilkii uu u hayay dowladda Federaalka isagoo eedayn kulul u jeediyay wasaaraddii uu katirsanaa.

Carab oo shir Jaraa’id ku qabtay magaalada Kismaayo ayaa sheegay in sababta uu isku casilay ay tahay horumar la’aan dhanka amniga ah oo kajirta dalka Soomaaliya.

Afhayeenkii wasaaradda amniga ayaa qiray in dowladda Federaalka ay ku fashilantay sugidda ammaanka wuxuuna tusaale usoo qaatay qaraxyada iyo dilalka joogtada ah ee ka socda degmooyinka magaalada Muqdisho.


Iscasilaadda Afhayeenkii wasaaradda amniga ayaa imaanaya xilli maalmo ka hor uu magaalada Muqdisho ka dhacay qarax ay boqolaal qof shacab Rayid ah  ku dhinteen iyo sidoo kale agaasimayaal katirsan wasaaradaha dowladda Federaalka.

29-kii April ee sanadkan wareegto kasoo baxday xafiiska Wasiirka Amniga Maxamed Abuukar Islow ayaa Afhayeenka Wasaaradda Amniga loogu magacaabay Axmed Maxamuud Maxamed (Sayid Axmed Carab) iyadoo xilkaasi laga qaaday C/Kaamil Macalin Shukri.


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items