Ciidamada Ciraaq Oo Kurdiyiinta kala Wareegay Magaalooyinka Senjaar iyo Kirkuuk.

Tuesday October 17, 2017 - 12:29:30 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamada Ciraaq Oo Kurdiyiinta kala Wareegay Magaalooyinka Senjaar iyo Kirkuuk.

    Wadanka Ciraaq wali waxaa ka socda dagaallo culus oo u dhaxeeya maleeshiyaadka Kurdiyiinta iyo ciidamada Xukuumadda Federaaliga ah oo ay taageerayaan maleeshiyaad shiico ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamada Ciraaq ayaa Calanka Kurdiyiinta ka Dajiyay xarumaha dowladda
Wadanka Ciraaq wali waxaa ka socda dagaallo culus oo u dhaxeeya maleeshiyaadka Kurdiyiinta iyo ciidamada Xukuumadda Federaaliga ah oo ay taageerayaan maleeshiyaad shiico ah.

Wararka ka imaanaya waqooyiga Ciraaq waxay xaqiijinayaan in maleeshiyaadka Xukuumadda ay dagaal la’aan la wareegeen gacan ku heynta magaalada istiraatiijiga ah ee Senjaar.

Telefeshinka Afka Xukuumadda ku hadla ee fadhigiisu yahay magaalada Baqdaad ayaa sheegay in ciidamada Xashdiga loo yaqaan ay saaka si nabad gelya ah kula wareegeen dhammaan xarumaha maamulka magaalada iyo saldhigyada melleteriga.

Goob Joogayaal ayaa warbaahinta u sheegay in ciidamada xukuumadda shiicada Ciraaq ay dajiyeen calanka maamulka Kurdistan islamarkaana ay ku bedeleen calanka rasmiga ah ee Ciraaq.


Dhinaca kale ciidamada dowladda dabadhilifka Ciraaq ayaa si buuxda ula wareegay gobolka Dayaala kadib markii ay dib ugurasho sameeyeen ciidamada Peshmergaha Kurdiyiinta.

Magaalada Saliidda Hodonka ku ah ee Kirkuuk ayaa aheyd magaaladii ugu horreysay oo dagaal ay kula wareegaan maleeshiyaadka xukuumadda shiicada Ciraaq, magaaladan duleedkeeda waxaa kuyaal Ceelal shidaalka soo saara iyo shirkadaha Korontada ugu waaweyn waqooyiga Ciraaq.

Tani waa guul darradii ugu horraysay oo uu wajaho maamulka Kurdistan ee waqooyiga Ciraaq kajira tan iyo markii uu bishii lasoo dhaafay qabtay Afti ay dadka Kurdiyiintu ugu codeeyeen in ay noqdaan dowlad kamadax banaan Ciraaq inteeda kale.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items